Xaalada Deegaanka Oramada iyo Dadka Somaliland udhashay ee kunool Deegaanka Oramada oo Siixumaaneysa.;

Waxay ahayd Maalin kahor markii 17 qof oo kasoo jeeda Wadanka Somaliland lagu dilay, ayaa waxaa maanta labo nin oo udhashay goboladka Oromada lagudilay Caasimada Hargeysa, Dilka labadan nin ayaa loo aaneynayaa Dadkii lagu xasuuqay Magaalada Herer ee Gobolka Hawadey Maalin kahor, Dhinaca kale dhamaan ajinabigii Oromada kunoolaa Somaliland, ayaa waxaa yaraaday dhaqdhaqaaqii iyagoo xidhay dhamaan meheradihii ganacsiga sida Rayiislayaasha, Makhaayadaha Bunka laga cabo, baqdin ay kaqabaan amaankood in wax layeelo. Iyadoo lasheegayo in qaarkamida Oromada kunool caasimada Hargeysa ay uga qaxeen xagaa iyo wajaale,iyadoo qiyaasta dadka Oromada ee kunool Gudaha wadanka Somaliland gaadheyso ilaa iyo 90,000, oo dadka maatada ah ubadan.
17 Qof oo Somaliland Udhashay ayaa Lagu Laayey Magaalada Hawadey ee Ethiopia:
Xurgufta Kadhexbilaabmatey Soomaalida iyo Kilinka Oromada ayaa ah mid salka ku haysa xadeynta Deegaanka xaduudaha labada dhinac, oo midba midka kale ku eedeynayo iney kusoo xadgudbeen Deegaankooda, Sidoo kale xurguftan ayaa sameyn weyn kuyeelatay iskusocodka ganacsiga Ethiopia iyo Somaliland, siiba dhinaca ganacsiga qaadka, oo malaayiin doolar ay kasoo galijirtay Dawalada Ethiopia.
Dawalada Somaliland ayaa qaadey talaabo lagula tacaalayo xaalada Siixumaaneysa ee labada dhinac, iyadooo maanta hawlgal weyn ay galeen ciidanka amaanka Somaliland oo lagu sugayo xaalada amaanka ajinabiga Oromada, iyadoo ay jiraan hagardaamooyin loo geystey Oromada kunool Gobolada Somaliland qaarkood,