Suxufi Qarax Gaadhi lagu dilaya Magaalada Muqdisho Somalia

Saxuufi katirsan Muuqbaahiyaha KalsanTv ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, kadib markii Gaadhi uu watey loogu soo qariyey walxaha qarxa, Maruu kasii anbabaxayey gurigiisa hortiisa, Qaraxa gaadhiga Suxufiga ayaa lasheegayaa inuu ku qarxay Marey ciyaalkiisu hortaagnaayeen iyagoo ugacan haadinayen. sidaasna waxaa sheegay dad goobjoogayaal ahaa.
Ibrahim Mohamed oo sarkaal kamida ciidamada amaanka ayaa sheegay in walaha qarxa loogusoo qariyey kuraasta hore ee gaadhiga suxufiga, sidoo kale eheladii suxufiga geeryooday ayaa sheegay iney wax sababa oo laxadhiidha ddilka Wariyaha aaney war uhayn, iyagoo sheegay inuu ahaa wariya daacada oo uadeega danaha dadka shacabka Soomaaliya.
Dilkan suxufiga ayaa ilaa iyo hada cid sheegatay iney kadanbeyso ayjirin, balse Soomaaliya ayaa ah meel lagu qafaasho laguna laayo wariyayaasha saxaafadaha, ururka saxaafada ee Committee to Protect Journalists (CPJ) ayaa warbixin ku sheegay in lagu laayey sauufiyiin gaadhaya 45 Somali ah tan iyo sanadadii 2007 iyo 2015.