Madaxweyne Siilanyo oo Lagu Soo dhaweeyey Degmada Adhicadeeye ee G/Sool +Sawiro

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamuud Siilanyo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Adhicadeeye ee Gobolka Sool, isla markaana waxaa uu halkaas kaga qayb gali doonaa Shir Halkaas Ka Furmaya oo Lagaga Hadli doono Diiwangelinta Gobolkaasi Ka Bilaabmaysa Iyo Horumarinta Gobolada Bariga Somaliland siday uga Go’antahay Xukummadiisa.
Shirkan oo uu ujeedadiisu tahay sidii loo dardar galin lahaa diwaangalinta iyo qaabka loo diiwaangalinayo dadka iyo sidii looga dhaadhicin lahaa dadka inay isdiwaan galiyaan maadaama ay ku xidhantahay saami qaybsiga la filayo inuu madaxweyne siilanyo ku dhawaaqo diwaan galinta ka dib.
Madaxweynaha safarkan u ku marayo gobolada Bariga ayaan la garanayn halka uu ku dhamaan doono balse waxa la hadal hayaa inuu gaadhi doono magaalada Laascaanood.