Madaxweyne Axmed “Siilanyo” Oo Shir Sagootina Uqabtey Wasiiradii Dawladiisa Lashaqeynayey Mudadii uu xukunka hayey:

Madaxweynaha Hadeer talada wareejin doona ee Axmed Siilaanyo ayaa Maanta shir sagootina uqabtey wasiiradii Dowladiisa lasooshaqeynayey, Kulankan oo ujeedadiisu xanbaarsaneyd, Mudnaax taariikhiya waqtigii xukinkii Madaxweyne Silanyo, oo lagu tilmaamo dowladii ugu waxqabadka badneyd ee soo marta Somaliland, Madaxweynaha ayaa xubnihiisa wasiirada ugu mahad naqay sidii mudnaanta lahayd ee Qaranka iyo Dowladiisaba ay ula soo shaqeeyeen, sidoo kale madaxweynaha ayaa ku dar-daarmay in maamulka dowlada cusub ee Madaxweynaha kayahay Muuse Biixi, loola shaqeeyo marwalba, iyadoo Afayeenka Madaxtooyada Aadan Deyr uu sheegay iney Dowlada cusubi soo howlgali doonta 14 bisha 12aad ee 2017, sidaasna uu sharcigu dhigayo,
sidoo kale tirada xubnaha wasiirada Dowlada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa gaadhaeysey ilaa iyo 27 wasiir, sidoo kale waxay dowladiisu sameysay dhowr wasaaradood oo cusub,