Kaganacsiga Abaaraha, (Gudiga Kaganacsiga Gurmadka Abaaraha)

Mushaharka Gudiga Abaaraha Bishii waa 200 dollarka mareykamka. oo bishiiba qofkii mushaharkiisu gaadhayo, 200×30=$6,000x12gudiga shaqaalaha waxay noqoneysaa isugeynta guud markey gudiga abaaruhu ay yihiin 12 qof $72,000,
Lacagta sadexdii bilood ee ugu denbeysay kusoo dhacay sanduuqa Deeqaha abaaraha ee Gudiga Abaaraha ayaa waxay gaadhayaan 11.06 Million oo kakala yimi xubnahan hoos ku qoran.
Ilaa iyo hada majiraan gargaar lataaban karo oo laga maqlay gudiga abaaraha, taa waxaa usii dheer, hayadaha Dowlada wax warbixina ilaa iyo hada kama hayaan, habsami socodka Gurmadka abaaraha iyo sida gudigii loo magacaabay umaamuleen, Taasna waxaa Kamasuula dawlada oo ka gaabisay inay sameyso Wasaarad dowli ah oo Ku taxaluqda , wasaarada Gurmadka iyo gargaarka Masiibooyinka dabiiciga iyo Abaaraha ee somaliland, oo iyadu leh Miisaaniyad sanadeedkeeda, Lagana maamulo sanduuqa Dowlada Lacagaha lagu bixinayo Gargaarka Abaaraha iyo masiibooyinka Markay soo wajahaan dalka,
Deeqaha Lacageed ee Gurmadka Abaaraha
Deeqaha Duunyo ee Gurmadka Abaaraha.
Wadamada shisheeye
qurbo joogta
Ganacsadayaasha
SHaqaalaha
SHACABKA
hayadaha Dawlada,
URURADA SAMO-FALKA KUWA DAWLIGA AH
URURADA SAMO FALKA kUWAAN DOWLIGA AHAYN (CAALAMIG)
Siyaasada Kulifaaqan Gudiga Abaaraha iyo Mudo kordhinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Daahfurka Sirta Qarsoon ah
Dadaadlaka Laga rabo Gudiga Abaaruhu Iney kasoo baxaan ee Oloolaha Doorashada Madaxweyne ee korna u qaadi kareysa Sumcada Musharaxa Xisbiga Mucaaradka, Wadani,
Maamul xumada Dhaqaale ee Gudiga Abaaraha, Waxay qayblixaadle kaqaadaneysaa, Sidaan Looqaban Doorashooyinka, Iyo Hirgalinta Moqifka beesha caalamka ee Somali-weyn, oo hormuud kayahay Xisbiga mucaaradka Wadani, waxay kaloo qayblixaadle ka qaadaneysaa, Is’aaminaad Kadhex abuurmata Beesha Caalamka, iyadoo Markhaati uganoqoneysa Kooxo Gacanku dhiigle yaal ah Oo dadka Sanduuqmadow Qori kula hortaagan, sidaa darteed Dalku u Baahan yahay in labadbaadiyo:
Gudiga abaaruhu Waxay helayaan Dhaqaale badan oo uga soobaxaya Buun-buuninta abaaraha, Siday howsha u fuliyaan, waa inuu isbiga mucaaradku waddani ku taageeraa, Buun-buuninta iyo Dacaayada Waxqabad Xumada Dawladu kageysatey Gurmadka abaaraha, iyadoo la adeegsanayo Saxaafada madaxa banaan. taasoo daah saareysa (halkay ka qudhuntay) dhinaca kalena qaawineysa dhaliisha iyo eedaha madaxa usaaran.
Waxay gudigu Suura galinaysa (Mudo kordhinta) oo Micnaha ay u leedahay Mucaaradka Waddani waa, Kuwa hoos ku xusan. 1) Necbaanshaha xisbiga kulmiye ee shacabka Gudihiisa Ka’imaneysa oo sii bata, 2) Mucaaradka oo ubaahan mudo kordhin uu dadka isku jecleysiiyo oo loo arko iney yihiin kuwa xalka haya, ka hor intaaney garan halka hadhku ka xigo, sida maanta taagan.3) geedi socodka dhismaha Saxaafadeed oo aan wali gaadhin in inbadan ladhageysto, iyadoo talaabadii ugu horeysay ee ugu weyneed oo ah Gurmadka abaaraha uu hadeer sifiican ugu socdaan, oo fursad loo heley inay mucaaradku dadka tusaan iney yihiin wadada xalka wanaagsan kuwa haya inaanu nahay,
In labadiyo dhaleeceynta dawlada iyo guuldarada Masiibooyinka abaaraha, iyadoo xisbiga wadani uu Ka madhan yahay inuu wax gar-gaara ka geysto Abaaraha, si Danaha uu ka leeyahay si fudud ugu fulaan, oo ay ugu weyntahay Somali-weyn.