Gudoomiyaha Xisbiga C/Raxmaan Ciro, Oo Sheegay in Halgankiisa Somaliland uu Kabilaabay Xisbiga Kulmiye Iyo Jawaabtii Muuse Biixii Kabixiyey 1997

Gudoomiyaha Xisbiga wadani ahna Mausharaxa Madaxweynaha Xisbiga, ayaa Maanta cadeeyey in cadowga laga Badbaadinayo wadanka Somaliland uu yahay Xisbiga Kulmiye oo isagu ah xisbi ay ku jiraan badankood ruugcadaayadii usoo dagaalamey wadanka Somaliland waqtiyadii Taliskii Maxamed siyaad Bare, Gudoomiye Ciro muhiimadiisa siyaasadeed ee Tartanka Madaxweyne nimada Somaliland ayuu kuwadaa inuu aqlabiyada weyn kaga helayo siyaasadiisa Badbaadinta Somaliland,
Dhinaca kale Xisbiga Kulmiye, oo ah xisbiga maanta Talada u haya Somaliland, waxay badanka Reer Somaliland qabaan inuu yahay xisbiga kaliya ee xubnihiisu Lexelajeclo weyn uhayaan Dalkooda iyo Dadkooda, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa isaguna sheegay in siyaasiyiinta Noocan oo kale ahi ay yihiin kuwo dano gaara wata oo marin habaabinaya Umada ay doonayaan iyo dalka ay doonayaan iney Masuuliyadiisa qaadaan, sidaasna waxuu yidhi maruu u waramayey Wariyayaal kasocda Jariiradaha Codaka Nabada iyo Jamhuuriya, Mudadii 1997