“Donlad Trump” oo Jeruslem Caasimada Yahuuda Oo maanta uqoonsaday:

Jeruslem Waa caasimada Dadka Yahuuda ah, sidaasna waxaa maanta ku dhawaaqay madaxweynaha Trump ee Aqalka cad-Mareykanka, go’aankan madaxweynhu gaadhay ayaa ka hor imanaya sharuucda caalamiga ah qaramada midoobey oo uqoonsan iney juruslam tahay magaalada caasimada dadka reer falastiin ama wadanka falastiin, sidoo kale waxaa Maanta lagaga dhawaaqay in banaanbaxyada kagaga soo horjeedo Go’aankan uu yahay mid sharcidaro loo aqoonsan yahay Mareykanka gudihiisa, sidoo kale waxaa lahawlgaliyey ciidamada amaanka oo lasoo tubay wadooyinka magaalada Newyork iyo caasimada Washingto,
Jawaabaha beesha caalamku kabixiyeen hadaladan Trump ayaa waxaa kamida wadanka Turkiga oo Hogaamiyahooda Erdogan kutilmaamay midaan laaqbali doonin, isagoo madaxweynuhu intaa kudaray iney wadamada muslimka ahi isugu yimaadaan shiraan caadi ahayn oo looga arinsan doono aalada Jeruslem, sidoo kale daraasaad laqaaday ayaa waxay sheegayaan in boqolkiiba 63% dadka mareykanka ahi kasoo horjeedaan Go’aanka madaxweyne Trump uu ku qaatay inuu Jeruslem uaqoonsado caasimada Israa’iil ee dadka Yahuuda ah, iyadoo, talaabada kale ee uu Trump qaadey ayaa ah mid Safaarada Mareykanka loo soo rari doono Magaalada Jeruslem oo laga soo rari doono caasimada Talaabiib,
Wararku waay intaa kudarayaan in ujeedada Trump ee kadanbeysa Talaabadan ay salka ku hayso sidii madaxweyne Trump loo dooran lahaa madaxweynaha doorka danbe, oo lafilayo inuu isku soosharaxo. siduu cod badan uga heli lahaa dadka yahuuda ee ku nool wadanka mareykana. iyadoo wakhtigii dhowaa tartanka doorashada Trump uu balan qaadey inuu yuhuuda ufududeyn doono sidii jerulam looga dhigi lahaa caasimada Israa’iil. sidoo kale maamuladii kaladuwanaa ee dowlada Mareykanka soo maray ayaan go;aan kaqaadan arinta Jeruslem iney noqoto caasimad wadanka Yahuudu leedahay tan iyo todobaataneeyiidii oo ku beegan waqtigii go’aankan lasoo hordhigay Maamulka aqalka cad, balse ay tahay imidii isagu ku dhiiraday oo guul wayn u ah dalka mareykanka, waa siduu hadalka udhigay Trump. dhinaca kalena waxuu sheegay inuu aaminsan yahay sidii xalwaara looga gaadhi lahaa Falastiin iyo Israa’iil “Two State Se
Wadamada sida aadka ah uga xanaaqay talaabadan Trump waxaa kamida Turkiga,Iran,Rassia iyo wadamo badan oo Yurubta kamida oo uu ugu horeeyo Faransiisku.
Magaalada Jeruslam ayaa waxay taariiqi utahay Muslimiinta caalamka iyadoo uu kuyaalo masaajidka barakeysan ee Beytul qodus,