
Wararka naga soo gaadhaya degmada Lughaya ayaa sheegaya in uu gaadhigii la qalibmay Taliyihii Ciidamada Asluubta Somaliland Maxamed Cismaan Xudhuun,Shilkan gaadhi oo dhacay galabta ayaa waxa u xaqiijiyay shabakada Hadhwanaagnews Duqa degmada Lughaya oo Shabakada Hadhwanaagnews khadka telifoonka kula xidhiidhay.
“Baabuurka uu watay Jananku waxa uu ka soo baxay dhinaca Lughaya, waxana uu ku socday dhinaca Boorama, waxa uu shil ku galay inta u dhaxaysa Carawayne iyo Fadhi-xun, waxana Janaral Xudhuun soo gaadhay dhaawac dhinaca Dhabarka iyo qoorta ah, sidoo kale dirawalkii baabuurka oo xaaladiisu halis tahay ayaa isaguna KOOMA ku jira, dhaawaca ayaana waxa hada loo soo wadaa dhinaca magaalada Boorama, ayuu yidhi Gudoomiye Dixood
Jen. Maxamed Xudhuun iyo Xubno kale oo xukuumada ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Biyaha iyo Masuuliyiin kale ayaa maalmahan u dambeeyayba ku sugnaa Lughaya.