Barzani ee Dowlad Goboleedka Kurdistiyiinta Oo Dadkiisa Uga Baaqay Iney Isugu-soo Baxaan Codeynta Gooni Iskutaaga Kurdistiyiinta Iraq

Madaxweynaha Gooni isutaaga Dowlad Goboleedka Kurdistiyiinta Iraq Barazani ayaa Maanta dadka Kurdistiyiinta Isugu yeedhay iney u codeeyaan aqlabiyada gooni isutaaga Dowlad Goboleed ay leeyihiin Dadka Kurdistiyiinta Iraq, Kadib Hadalo kasoo yeedhay Madaxweynaha Dowlada Fidaraalka Wadanka Iraq, oo kahor imanaya Gooni isutaaga gobolada kurdiyiinta ee xaduuda laleh wadamada Turkiga iyo Iran oo iyaguna siweyn udiidan in dowlad ay kurdiyiinta Iraaqiyuuntu leeyihiin kadhalato xaduudaha Wadankooda, iyadoo labada hogaamiye ee wadamada Iran iyo Iraq, ay maanta kawada xaajoodeen Aftida looqaadayo dadka kurdiyiinta Iraq ee ay ku doonayaan iney yeeshaan Dowlad iyo wadanugaara ama gooni isutaagaan, iyagoo Madaxwene Erdogan iyo Rohanni ay wada gaadheen go’aanka ahin labadooda wadanba aaney Aqoonsan doonin Aqbalina Doonin Hadii kurdiyiinta gobolada Iraq ay ku dhawaaqaan Gooni isutaaga. Dadka Kurdishka ayaa iyagu 98% taageersan mabda’a Gooni isutaaga Gobolada Gurshka Iraaqiyiinta, oo ah gobolada shiidaalka iyo saliida wadanka Iraq leedahay ugu badan ee laga soo saaro,.
Dhinaca kale Qaramada Midoobey ayaa in badan Kurdiyiinta Iraq culeys weyn kusaaray iney katanaasulaan go’aanka Gooni isutaaga, iyadoo sidoo kale wadamada Yurubtuna ay bilihii ugu danbeeyey xuuraaftan ugu jireen sidii Kurdistiyiinta iyo maamulka Barazani ay u joojin lahaayeen Aftida maanta kabilaabmatey Gobolada ay degaan Kurdiyiinta Iraq. Balse wadanka kaleya ee talaabada Gooni isutaaga Kurdiyiinta Iraq taageersan ayaa ah wadanka Israa’iil,