Ujeedooyinka Safarka kENYA ee Gudoomiyaha xisbiga WADDANI….

Wadanka Kenya oo ah xarunta ugu weyn ee laga maamulo xisbiga Wadani markay noqoto ama laga hadlayo siyaasada dibada ee xisbiga, ayaa waxaa Gudoomiyaha xisbugu C/raxmaan ciro Safar ugu baxay caasimada Nayrobi, safarkiisan Muhiimada ugu weyn ee uu xanbaarsan yahay oo ah arimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta xisbiga, iyadoo taageeraha dhaqaale ee ugu badan ay siiyaan wadanka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, ayaa sida runtu tahay waxaa kaluu gudoomiyuhu saxeexi doonaa Qorshayaal siyaasadeed oo kaduwan kii hore kaasoo loogu talo galay iney xisbigu ku dabakhaan siyaasadooda olo’olaha shanta sanadood ee soosocda, oo ay kamid yihiin siyaasada xisbiga mucaaradka Kenya ee NASA oo uu madaxa kayahay Raeli Odenga, oo iyagu hadeer damacsan iney udoortaan Madaxweyne gobolada laga taageersan yahay Raela Odinga, taasina ay ku keeni doonto, iska hor imaad Dowlada hadeer katalisa ee UHURA kENYATI iyo nabadgalyo daro kusii fida wadanka Kenya,
siyaasada qayb-qaybinta iyo qabyaalada ayaa hadeer ah mid kusii fidaysa ururada siyaasadeed ee mucraadka wadamada kuyaala bariga geeska afrika, hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka oo kakooban ilaa iyo todobo wadan oo ay kamidyihiin Somaliland, Ethopia iyo wadanka Sudan, ayaa waxay sameysteen sadexsanadood kahor Urur ay kumidoobeen oo kashaqeeya kacdoonada lagu doonayo isbadlka dimquraadiya iney kadhaliyaan wadamadooda,
Shirkii sadexaad ee kudidan kakooban 27 Siyaasi ee uu kamidka yahay xisbiga wadani ayaa waxaa uga qaybgalaya gudoomiyaha xisbiga C/raxmaan ciro, iyadoo shirkan lagaga hadli doono sababihii keenay guuldarada xisbiyada NASA ee kaney iyo xisbiga WADDANI iney labaduba ku guuldareystaan kursiga madaxweynaha, sidookale xubnahan ayaa waxay warbixino qoraala ukala direen hayadaha iyo wadamada iyagu daneeya Dimquraadiyada , oo ay kaga dalbanayaan sidii dunidu tixgalin usiin lahaayeen cabashadooda iyo doonista dadkooda, kana caawin lahaayeen dhaqaalaha.