Milatariga Venezuela oo isku xayndaabay xaduudaha ay wadaagaan wadanka Clonbia

Last Updated on
“Hogaamiyayaasha milatariga ayaa heegan galiyey ciidamada Xooga ee kusugan xaduudaha ay laleeyihiin Wadanka Colombia,”
Talaabadan oo ujeedadeedu tahay, sidii ay uhirjoogsan lahaayeen Gargaarka biniaadnnimo ee ay wadaan wadanka Mareykanka iyo qaar kamida Midowga Yurub,
kadib markii Maamilka iskii iskumagaacabey ee uu hogaaminayo Guaido, 23 Janaury sheegay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee wadanka Venezuela, kadib markii doorashadii madaxweynha uu kagaga guulestay,Nicolas Maduro,
Balse wadamada Mareykanka iyo Canada, waxay sicad ugu dhawaaqeen iney citiraafsan yihiin Guaido, isla markaana uu xilka iska wareejiyo Maduro, oo ay kutilmaameen inuu yahay hogaamiye kaligii taliye ah,
dhinaca kale ciidamada Venezuela ayaa waxay taabacsanyihiin Maamulka madaxweyne Madoro, sidoo kale wadamada China iyo Russia, ayaa iyaguna taageersan dowlada sharciga ah ee madaxweynaha kayahay, sida ay qabto Qaramada midoobey,
Guaido waxuu maalin kahor baaq udirey dalalka taabacsan iney lasoogaadhaan gargaar biniaadanimo, si cunto loogaadhsiyo shacabka reer Venezuela oo dhan ilaa iyo 300,000 qoys, balse dhinaca kale, Maduro ayaa qaba in talaabadani tahay mid reergalbeedku kudoonayo iney gacan milatari kula wareegaan wadankiisa sidey uga faa iideysan lahaayeen khayraadka saliida wadankiisa, sidaa darteedna ugu baaqay dadkiisa iney difaacaan jiritaanka qaranka Venesuela,