Mareykanka oo diyaarinaya Gantaalihiisa Nukliyeerka Xanbaara, sidii loogu Duqeyn lahaa Waqooyiga Kuriya

hadalada kasoo yeedhaya Saraakiil katirsan Aqalka Gaashaandhiga Mareykanka, ayaa sheegaya iney diyaariyeen Gantaalaha Ridada dheer ee Nukliyeerka xanbaara, goobo kamida Saldhigyada mareykanku kuleeyahay wadamada Koonfurta Kuriya iyo Japan.
Balse ay Washington wali diyaar utahay wadana iney xalnabadeed kudhameyso arimaha ku aadan Gantaalaha ridada dheer ee Waqooyiga Kuriya. Marine Corps Gen. Joseph Dunford oo kamida saraakiisha madaxda Milatariga Mareykanka, ayaa cadeeyey Isniintii lasoodhaafey in Dowlada Mareykanku isku diyaarisay iney Waqooyiga Kuriya kuridaan gantaalahooda Nugliyeerka Xanbaara ee ridada dheer. taasooy kusababeysay waxay ugu yeedheen ” ilaalinta Amaanka Wadamada xuluufada la’ah Mareykanka iyo difaaca cadowga Mareykanka” sidoo kale siduu saxaafada ugu waramay sarkaal kale Capt. Darryn James, oo katirsan ciidamada Mareykanka.isagoo Darryn dhowaantay socdaalo badan kusoo marey wadamada South Kurya iyo Japan, siduu usoo qiimeeyo xaaladaha iyo shacuurta ay ka’aaminsan yihiin labada wadan ee Arinta Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya Sida weyn Usaameeynaso. sidoo kale sarkaalkan ayaa tagey wadanka China isagoo lakulmay saraaliisha sarsare oo katirsan Milatariga China, oo ay kawada hadleen talaabada siyaasada guuldareysatay ee dhaqaale iyo Cunaqabateynta sidii xa loogu helilahaa arinta Barnaamijka Nukliyeerka Waqooyiga Kuriya.
Sidookale Wadanka Japan ayaa isagu qaadey talaabo loogu ogolaaanayo Milatariga Mareykanku Iney soodhigaan Gantaalahooda Nukliyeerka Gobolka Okinawa oo kamida Goboladii laga qabsadey Japan sanadadii 1969kii dibna gacantooda ugusoo noqotey sanadkii 1972, sida ay qorayaan Warbixino lagasoo xigtay Mareykanka. sidoo kale dadka degen gobolka Okinawa ayaa waxay kasoo horjeedaan saldhigyada milatariga ee Mareykanku ku leeyahay gobolkaas, taasoo dhalisay iney dad tiro badani iskubaxyo kasameeyaan wadooyinka Magaalada Okinawa, iyagoo sita Boodhadh ay ku qoran yihiin hadalo ku lidiya xooga milatari ee mareykanku kuleeyahay wadanka gudihiisa Japan.