Loolanka Siyasada Madaxweyne Xi Jinping iyo Donald Trum ee North Korea:

Siyaasada Madaxweyne Donald Trum waa mid Mihiimadedu tahay sidii Wadanka China Cadaasika ugu Saari Lahaa sidii Madaxweyne Xi uu wax uga qaban lahaa Dowlada Waqooyiga Kuuriya barnaamijkeeda Hubkeeda Nukliyeerka, Kadib markii Trump uu amar kubixiyey Iney udhaqaaqaan dhinaca Xeebaha Waqooyiga Kuriya, midkamida Maraakiibtiisa Dagaalka ugu waaweyn ee ‘USS Carl Vinson’
Dowlada W.Kuriya oo Markale Xabsiga Utaaxbtay Muwaadin Reer Mareykana:
Dhinaca kale. Saxaafada North Korea, ayaa waxay baryahanba qorayeen, in talaabadan Trump ay keeni doonto cawaaqib xun, sidoo kale Saxaafadaha Wadanka China ayaa iyaguna sheegay in Madaxweyne XI uu telefoon kula hadlay dhigiisa Trump isagoo kuwargalinaya, in Dowladiisu ay wado talaabooyin ay xooga kusaareyso Waqooyiga Kuriya Sidey ujoojin lahayd barnaamijkeeda Hubka Nukliyeerka. Sidaasna waxaa sheegay Muuqbaahiyaha, CCTV, waxaa kaloo isaguna kahadlay wasiirka Arimaha dibada China oo isaguna sheegay, in dowladiisu xishmeyneyso dhowrista iyo kudhaqanka sharuucda Golaha Abniga ee qaramada midoobey.
North Korea is looking for trouble. If China decides to help, that would be great. If not, we will solve the problem without them! U.S.A.
— President Trump (@POTUS) April 11, 2017
Dhinaca Mareykanka ayaa isaguna Madaxweyne Trump uu sheegay iney Dowladiisu Qaadi doonto talaabo kasta oo uu urako iney xalka utahay Barnaamijka ay wado dowlada Pyongyang, hdii iyo hadii ay dowlada Beijing waxkaqaban kariweydo Barnaamijka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuriya.