Kacdoonada Gooni isutaaga Wadamada Camaroon, Spain, iyo Kurdishka Iraaqiyiinta.

Last Updated on
-
Kacdoonka Gooni isutaaga Catalonia ee Spain.
Dhowrkii Maamood ee ugudanbeeyey ayaa waxaa sii badanayey kadoonka iyo ikusoobaxa dadka degen Gobolada Catalonia ee wadanka Spain, kacdoonadan oo ay kudoonayaan iney yeeshaan Dawlad iyo dal ka madax banaan Maamulka Spain, balse Dowlada Spain ayaan iyadu marnaba ogolayn qorshaha Gooni isutaaga Catalonia, waxaa kalooy dowlada Spanishku qabtaa xitaa hadii codeynta gooni isutaaga Catalonia majooratigeedu noqdo mid codka Haa ubadan, ay taas nafsad ahaanteedu ay danbi kutahay Dowlada Spain, isla markaana aaney dowladu ogoleyn in aftida gooni isutaagu sinabada ay udhacdo, ciidamada Booliiska Spain ayaa dad badan oo kamida Mudaharaadayaasha xabsiga u taxaabay, qaar kalena jirdil ay ugeysteen, iyadoo dhimashada shacabka booliisku toogashada ku laayay ay boqol kor udhaafeen,
‘We never thought the police would be so violent’: Hundreds injured in Catalan crackdown https://t.co/bH2Ayznek0 pic.twitter.com/5TAKqZJvD1
— RT (@RT_com) October 1, 2017
dhinaca kale wadamada midowga Yurub ayaan iyaguna ogoleyn kala go’a wadanka Spain, taas oo caqabd kunoqoneysa Midowga Yurub, iyadoo bilo ka hor Ingiriisku ku guuleystay in afti looqaado Kabixitaanka Midowga Yurub uu noqdey wadan ka madax banaan.,
-
Kacadoonada Gooni isutaaga Kurdishka Iraq.
Madaxweynaha Gooni isutaaga Dowlad Goboleedka Kurdistiyiinta Iraq Barazani ayaa Maanta dadka Kurdistiyiinta Isugu yeedhay iney u codeeyaan aqlabiyada gooni isutaaga Dowlad Goboleed ay leeyihiin Dadka Kurdistiyiinta Iraq, Kadib Hadalo kasoo yeedhay Madaxweynaha Dowlada Fidaraalka Wadanka Iraq, oo kahor imanaya Gooni isutaaga gobolada kurdiyiinta ee xaduuda laleh wadamada Turkiga iyo Iran oo iyaguna siweyn udiidan in dowlad ay kurdiyiinta Iraaqiyuuntu leeyihiin kadhalato xaduudaha Wadankooda, iyadoo labada hogaamiye ee wadamada Iran iyo Iraq, ay maanta kawada xaajoodeen Aftida looqaadayo dadka kurdiyiinta Iraq ee ay ku doonayaan iney yeeshaan Dowlad iyo wadanugaara ama gooni isutaagaan, iyagoo Madaxwene Erdogan iyo Rohanni ay wada gaadheen go’aanka ahin labadooda wadanba aaney Aqoonsan doonin Aqbalina Doonin Hadii kurdiyiinta gobolada Iraq ay ku dhawaaqaan Gooni isutaaga. Dadka Kurdishka ayaa iyagu 98% taageersan mabda’a Gooni isutaaga Gobolada Gurshka Iraaqiyiinta, oo ah gobolada shiidaalka iyo saliida wadanka Iraq leedahay ugu badan ee laga soo saaro,.
Dhinaca kale Qaramada Midoobey ayaa in badan Kurdiyiinta Iraq culeys weyn kusaaray iney katanaasulaan go’aanka Gooni isutaaga, iyadoo sidoo kale wadamada Yurubtuna ay bilihii ugu danbeeyey xuuraaftan ugu jireen sidii Kurdistiyiinta iyo maamulka Barazani ay u joojin lahaayeen Aftida maanta kabilaabmatey Gobolada ay degaan Kurdiyiinta Iraq. Balse wadanka kaleya ee talaabada Gooni isutaaga Kurdiyiinta Iraq taageersan ayaa ah wadanka Israa’iil,
-
Isku-soobaxyadan Gooni isutaaga Gobolada Ingiriiska Kuhadla ee Wadanka Camaroon
Ciidamada Booliiska Camaroon ayaa toogasho ku diley sideed ruux, qaarkalena ku dhaawacay, kadib rabshadaha iyo isku soo baxyada kasocda Gobolada Af-Ingiriiska Ku hadla, rabshadahan ayaa bilaabmay horaantii sanadkanoo ay kudoonayaan iney dhistaan dowlad iyo dal kamadax banaan Maamulka Qaybta kale ee Af-faransiiska ku hadla, eemadaxweynaha kayahay Paul Biya’ mudo 35 sanadood ah. Dhinaca kale kala go’a wadanka Camaroon ayaa salka ku haya taariiqdii labadii wadan ee kala gumeysan jiray labada qaybood ee kukala hadla Af-ingiriisiga iyo Af-Faransiiska tan iyo dagaalkii koowaad ee dunida, oo Faransiiska iyo Ingiriisku Guushu ku raacdey Iyagoo xulufo ah.
https://youtu.be/DolptCyJpr8