DP-WORLD iyo dhameystirka Dhismaha Dekada “Dakar” Senegal Sanadaka 2018.

Shirkada dhismaha Dakadaha Caalamiga ah ee DP-WORLD, ee asalkeeda laga leeyahay wadanka Boqortooyada Imaraadka UAE ayaa warbixin ay soosaartay kusheegtay iney dhismaha balaadhinta iyo iakuxidhka dakada Dakar ee Wadanka Senegal ay soo dhowaatay waqtigeedii dhameystirka oo qorshaheedu ahaa 2018, oo muhiimadiisu ahayd sidii Dakada u noqon lahayd mid halbole u ah lix iyo toban wadan oo waqooyiga iyo Galbeedka africa kuyaala, oo ay kamid yihiin wadamada jaarka la ah Senegal,
sidookale waxay wax wayn kabadali doontaa qaybaha socdaalka caalamiga ah iyadoo dhismaha dakada ay weheliyeen balaadhinta ama caalamiyeynta Garoonka Diyaaradaha ee Blaise Diagne International Airpor caasimada Dakar,
Guusha dhameystirka Dhismaha dekada Dakar ayaa noqon doona qorshihii ugu sareeyey ee shirkada DP-WORLD, soo agaasinto, sida uu sheegay Sultan Ahmed Bin Sulayem, DP World Group chairman and CEO, Maruu kulan layeeshay madaxweynaha Senegal Macky Sall,
Dhinaca kale wadamada Afrika ku yaala ee dhismayaashu uga socdaan shirkada DP-WORLD, ayaa waxa ugu horeeyey Senegal Egypt, Mozambique, Djibouti, Algeria iyo Somaliland oo iyadu ah wadankii Afrikaanka ahaa ee ugu danbeeyey heshiisku dhex marey Shirkada DP-WORLD,