Xisbiga Waddani oo Qabsaday Xaflada uu ugu Dabaal Dagayo ka Mid Niqoshada Sadexda Xisbi Qaran

Xisbiga Waddani oo Qabsaday Xaflada uu ugu Dabaal Dagayo ka Mid Niqoshada Sadexda Xisbi Qaran

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

 Hargeysa(Saraar Media) -Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa maanta munaasibad balaadhan oo uu ugu dabaal dagayo Guushii uu ka gaadhay Doorashadii Golayaasha Deegaanka ku qabsaday ee magaalada Hargeysa, Gaar ahaan Hotel Maansoor.

Munaasibadani oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Hogaanka xisbiga Waddani, Shir Gudoonka Golaha Wakiilada, xildhibaano ka tirsan Golayaasha sharci dajinta Somaliland, Salaadiin iyo madax dhaqameed tiro badan, hogaaanka xisbiga Tallada haya ee Kulmiye, qaar ka mid ah Masuulyiinta Ururadii ku hadhay Doorashadii Deegaanka iyo Boqolaal Taageerayaasha Xisbigaasi ah.
Xasan Xuseen Codyare oo isaguna ka mida masuuliyiinta xisbiga Waddani oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan gobolada dalka iyo wadamada dibada looga dabaal dagayo guusha xisbiga Waddani waxana uu yidhi “ Gobolada dalka iyagana waxa looga dabaal dagayaa guusha xisbigani Waddani, sidoo kale wadamada dibada iyagana waa looga dabaal dagayaa guushan,dhamaana waxaan leeyahay taageerayaasha xisbiga Waddani waan idin hanbalyeynayaa, xisbiga Waddani waa mid mucaarid ah oo waana ka ugu balaadhan ee dalka ka jira.” Ayuu yidhi Md. Codyare.
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Md. Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade oo isaguna ka haddlay munaasibadan ayaa sheegay in xisbiga Waddani soo maray jid dheer oo uu ka soo gudbay,waxana uu yidhi “ maanta waa maalin wayn oo xisbiga Waddani u dabaal dagayo guushii uu ka soo hoyey doorashooyinkii dalka ka dhacay,waxaanu ka mid noqday sadexda xisbi ee dalka ka jiri doono tobanka sano ee soo socda, waxaanan u hanbalyeynayaa dhamaan musharaxiintii ka qayb galay doorashadii golaha deegaanka kuwii soo baxay iyo kuwii aan soo bixin ee ka tirsanaa xisbiga Waddani, waxaanan u mahad naqayaa dadkii kaalinta weyn ka qaatay sidii uu xisbiga Waddani uga soo bixi lahaa doorashada golaha deegaanka.

Gudoomiye ku-xigeenka garabka haweenka ee xisbiga Waddani marwo Sucaad Cabdilaahi Xasan oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa haween weynaha Somaliland ugu baaqday inay taageeraan Waddani iyada oo sheegay in xisbiga Waddani uu ogol yahay 30% dumarka Somaliland inay ka qayb qaataan tallada dalka.

Waxa kale oo munaasibadan ka hadlay Maxamed Sidiiq oo ku hadlayey garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani, waxaanu sheegay inuu hanbalyo u dirayo dhalinyaradii halganka u soo gashay sidii xisbiga Waddani u soo bixi lahaa, waxaanu ku booriyey inay taageerada ay u hayaan xisbigan sii wadaan.

Xildhibaan Faadumo Cali Madar oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa hanbalyo u dirtay guud ahaan shacabka Somaliland iyada oo ku amaantay sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen doorashadii golaha deegaanka
Gudoomiye ku xigeenkii ururka UMADDA Cabdirashiid Maxamed oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inuu ururka Waddani ugu hanbalyeynayo guusha uu gaadhay
Gudoomiye ku-xigeenka ururka Rays Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa hanbalyo u diray guud ahaan shacabka Somaliland sidii ay uga qayb qaateen doorashada golaha deegaanka, isaga oo hambalyo u diray masuuliyiinta xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisaba.

Gudoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani isaga oo tilmaamay inay ixtiraami doonaan sharci dejinta Somaliland ee uu hormoodka ka yahay gudoomiyaha xisbiga Waddani.
Ugu danbayntii waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) waxaanu sheegay in xisbiga Waddani uu noqon doono mucaarid wax dhisaya oo Qadarin doono shuruucda iyo Qaranimada Somaliland.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo khudbada uu ka jeediyey munaasibadani ay dhinacyo badan taabanaysay ayaa sidoo kale sheegay inaanay meelna dastuurka qaranka kaga qornayn sharci u diidaya labada xil ee uu isku hayo, waxaanu tilmaamay inuu labadaas xil isku sii wadi doono.

WWW.Saraar Media.com
Hargeysa – Somaliland

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media