Xisbiga Horyaal oo la Midoobey Xisbiga Wadani

Xisbiga Horyaal oo la Midoobey Xisbiga Wadani

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa , Talaado, 18 Sept 2012 (Saraar Media)- Hoggaankii iyo Taageereyaashii urur siyasaasadeedkii HORYAAL, ayaa maanta si rasmi ah ula midoobay Urur-siyaasadeedka WADDANI.

Xaflad balaadhan oo Ururka WADDANI ugu sameeyay Ururka HORYAAL Huteelka Maroodj-jeex ee magaaladda Hargeysa, waxa ka soo qeyb galay Hoggaankii labadaasi urur siyaasadeed,Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Wakiiladda iyo Guurtida Salaadiin, Cuqaal iyo kumanaan ka mid ah taageereyaasha labada urur-siyaasadeed.
Dr. Mustafe Cabdilaahi Jaamac oo ka mid ahaa Gudida fulinta iyo aasaaseyaashii ururka HORYAAL oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay la midoobaan Urur-siyaasadeedka WADDANI oo uu tilmaamay inay isku hadaf ka yihiin siyaasadda.
“Wixii aan is lahaa dhehba waxa ilowsiiyay farxadda aan ku faraxsan nahay inaan ku biirno oo la midowno Ururka WADDANI.Ururka HORYAAL iyo Ururka WADDANI way midoobeen waxaanay isku noqdeen WADDANI.Ururka HORYAAL waxa uu inuu dalka ka sameeyo isbedel weyn oo dhinac walba leh oo dalka ka dhaca. Waxa loo baahan yahay inaynu Somaliland ahaan midowno oo horumarka dalkeena ka shaqayno iyadoo aynu fikirka aan haddana isku waafaqsanayn.”

Dr. Mustafe waxa uu sheegay in ururka WADDANI qiimahiisii kor u kacay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Maadaama oo aynu ururkan weyn ee ummadda reer Somaliland aqoon yahanadiisii intoodii badnayd iskugu timid ee WADDANI aynu ku midownay hawsha inoo taallaa ma fududa. Somaliland wax weyn ayay inaga sugaysaa ee taas aynu ogaano. Waxa kale oo muhiim ah oo aan doonayaa inaan madashan ka sheego C/Raxmaan Cirro iyo Ururkiisa waanu tartamaynay shalay laakiin maanta Horyaal ahaan waanu uga dagnay faraskii waana naga galbis. Ururka WADDANI haddii aanu markii horeba qiimo weyn lahayn halkan iskugumaanu nimaadneen. Waxaan leeyahay qiimihii WADDANI kor ayuu u kacay. Somaliland oo dhan iyo qaaraddaha adduunka meel kasta oo ay dadka Somaliland joogto waa xisbiga ugu taageerada badan ee iimaansada ayaan leeyahay.”

“Waxaan leeyahay Guddoomiye C/Raxmaan, Mar haddii ragayagan iyo in kale oo soo socotaaba ay kugu soo biireen ha war-warin waanu kugu simaynaa kursiga madaxtooyadee,”ayuu yidhi Dr. Mustafe.

Prof. C/Salaan Yaasiin oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ku biiraan urur-siyaasadeedka WADDANI, waxa uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland ay u soo martay dib u xoraynta dalka, waxaanu tilmaamay in EEBE ku guuleeyay inay ummadda Somaliland heshay xoriyadii ay mudada dheer ku taamayeen.

Prof C/Salaan Yaasiin waxa uu sheegay in labada urur ee WADDANI ku midoobay ay sugayso hawl aad u adagi isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Labada Urur ee HORYAAL Iyo WADDANI waxay ahaayeen laba urur oo tartamay, laakiin imika isku keenay, In la Tartamaa way furan tahay waana wax aynu soo dhawaynayno. Waxa ina sugaysa inaynu u hawl galo hawl adag oo tahartana ka adag oo dad maamulkeed ah ayaa ina sugaysa.”
Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid Hoggaanka sare ee Ururkii HORYAAL, ayaa sheegay inay markii ay ka baaraan degeen ay ku qanceen inay la midoobaan ururka WADDANI oo uu ku tilmaamay Horyaalka axsaabta siyaasadda.

“Waxay ila tahay Somaliland waxaynu nahay dad isku duuban oo midaysan oo aan gudahooda kala qeyb qeybsanayn taasina waa mid lagu farxo oo ILAAHAY loogu mahad-naqo. Waxqabadka iyo midnimada ka jirtaa waxay waddo u jeexeen Soomaaliya oo ay tahay inay wax inaga bartaan, wadada Somaliland jeexday waa tacab Soomaali oo dhammi inagaga dayan doonto,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

“Waxaan ku faraxsan nahay inaynu ku midowno ururka WADDANI, waxaan leeyahay waxaynu ku dedaali doonaa tallo-wadaaga. Waayo tallo-wadaag haddii aad urur ama xisbi gudihii aad ka weydo dimuqraadi noqon maayo. Waxaan leeyahay Ururka WADDANI horena wuu u guulaystay, imikana wuu guulaysanayaa markaa waxaan leeyahay Guddoomiye ku niyadsamoow arrintaasi.

Waxa kale oo madashaasi ka hadlay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka Horyaal, waxaanu xusay inay ku faraxsan yihiin inay la midoobaan WADDANI oo uu ku sifeeyay yahay urur balaadhan oo ay ka wada muuqdaan ummadda reer Somaliland oo dhammi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay xafladaasi waxa uu midowga labadaas urur ku sifeeyay mid weyn, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “ Runtii waxay ii tahay maanta ama dhamanteenba u tahay maalin weyn, maalin taariikh inoo leh maalin in badan aynu xusuusnaandoono, runtii farxada maanta wey igu adag tahay heerka faraxada inaan sharaxo laakiin waxaan idiin sheegayaa inay maanta tahay maalin farxadeed, waxay inoo tahay maalin guul ah.”

Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Waxay maanta tahay maalintii ay midoobeen WADANI iyo HORYAAL, rabitaan ay is rabaan labada urur is rabeen oo wada hadalkoodu in badan ayuu soo socdey laakiin ILAAHAY ayaa qadaray inay imika noqoto maalintii midowgoodu. waxaan ka gudoonay faraskii dhoodi-meer ee ay ka degeen mana rabbo inaan kaligay fuulo ee waxaan rabaa inaynu dhamaanteen wada fuulno si aynu horyaal u noqono.”
Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu ku dooday inay ururkooda hagiisu ka weyn yahay doorashada deegaanka oo ay doonayaan inay qabtaan Hoggaanka dalka.

“Waxaa inagu soo biirey cudud iyo xoog aynu u baahneyn, walina weynu u baahanay cudduda iyo xooga reer Somaliland ee inaga maqana inay nagu soo biiraan, hamigeenu wuu ka wen yahay inaynu golaha deegaanka ku soobaxno hamigeenu waa inaynu qabano hoggaanka dalkan,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cirro, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan isleeyahay ragii halka aynu ku socono ina gaadhsiinlahaa waa raga maanta inagu soo biiray hablihiina wey soo socdaan.”
“Waxaynu galeynaa doorasho waxaanu mar walba kula dardaarmeynaa taageerayaasha WADANI inaynu si hufan si nabad galyo ah inagoo ixtiraameyna walaalaheen ururada kale ku jira inagoo latartameyna inaynu mar walba anshaxa, nidaamka iyo sharcigaba u hogaansano oo tusaale wanaagsan u noqono, waxaynu dooneynaa inaynaan caytamin inagu oo aynu wax hogaamino hogaamiyayaashu wax macaayaan.”

Guddoomiyuhu wuxuu xusay inaan cay lagu gaadhaynin madaxtinimo, waxaanu ku dooday in labada xil ee uu hayo uu labadaba ku yimid sifo sharci ah, waxaanu yidhi “Walaalahayaga had iyo jeer caytamana waxaynu lee nahay waa latartamayaaye cayda laguma guuleysto waxa lagu guuleysanayaa waa shaqo waa tartan waa dedaal.”

Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu ku dooday in WADDANI uu yahay urur balaadhan oo faracyo ku leh dalka oo dhan, waxaanu yidhi “WADANI waa urur sal balaadhan leh oo xidido dhaadheer ku leh dhamaan gobolda dalka kamana warwarsanin sida xeerku tilmaamayo boqolkiiba labaatan (20%) inaanu gobal kasta ka helno, laakiin waxaan rajeynayaa inaanu gobol kasta 20% ka badsano waxaana kalsoonida nasiiyey idinka waxaa kalsoonida nasiiyey shacbiga gobolada oo ay ugu dambeysay Laascaanood oo aanu tagney dhawan.”

“Waxaan u mahad naqaynaa dhamaan taageerayaasha WADANI, HORYAAL BADBAADO iyo qaar kale oo inagu soosocdaba, waxaan soo dhaweynayaa dhamaan taageerashaa gudaha iyo dibadaba, waxan lee yahay waxaynu u midoobeynaa in aynu wadanka horumar gaadhsiino, waxay u midoobeyna inaynu Somaliland Ictiraaf gaadhsiino, raga halkan fadhiyaa ee borofoserada ah waxay garanayaa luuqadii lagula hadli lahaa caalamka maanteynu sifiican caalamka ula hadikarnaa, dhamaantiina waan idiin mahadnaqayaa,”ayuu yidhi Gudoomiye C/Raxmaan Cirro.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Ururka WADDANI Axmed Muumin Seed, Xoghayaha Guud ee Ururkaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray, Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Md. Maxamed Weli Warsame oo ka kala tirsan Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida.
Urur-siyaasadeedka HOYRAAL waxa uu ka mid ahaa sagaalkii urur-siyaasadeed ee ku hadhay qiimayntii Gudida diiwaan gelinta iyo ansixinta axsaabta qaranka.

 

Source;

Cumar Maxamed Faarax

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media