Waxaynu Soo Marnay Doorasho Xanaf Badan Oo Dhibaato Iyo Dhaawac-ba Inaga Soo Gaadhay” Muuse Biixi…

Waxaynu Soo Marnay Doorasho Xanaf Badan Oo Dhibaato Iyo Dhaawac-ba Inaga Soo Gaadhay” Muuse Biixi…

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa (Saraar Media) – Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sababeeyey khasaarihii dhimashada iyo dhaawaca lahaa ee ka dhashay doorashadii dalka ka dhacday,

Gudoomiyaha oo ka hadlaayay Xafladda Wanqalka ee Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay, ay dadweynaha iyo masuuliyiinta reer Somaliland isla qaateen ee xisbiyada badan ay sabab u tahay khasaaraha ka dhashay, taasi oo uu sheegay inay ahayd mid hawl badan, waa siduu hadalka u dhigee.

Muj. Muuse Biixi oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaynu Soo Marnay Doorasho Xanaf Badan leh Oo Dhibaato iyo Dhaawacba inaga Soo Gaadhay Walaalayaal Waxaan idiiin Sheegayaa Xisbiyadan badan ee aynu qaadan iyo doorashadii aynu galnay inay ahayd mid hawsheeda leh, taasi oo ahayd mid aad u hawl badan, balse aynu ka helnay waayo aragnimo badan, isagoo Gudoomiyuhu ugu baaqay in waxii tabasho ah lagu dhameeyo wada hadal.
Gudoomyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu baaq udiray dhamaan Bulshadda Somaliland in la’ilaaliyo nabadda iyo Maslaxadda waddanka, waxii cabasho dhanka Doorashadana lagu dhameeyo sidii caadada inoo ahayd.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Xisbiga Waddani oo uu sheegay inuu ku soo dhaweynayo garoonka siyaasada.

“Xisbiga Waddani Waxaanu leenahay Hambalyo Hambalyo, waxaananu idinku Soo Dhaweynayaa Garoonka Siyaasadda”.
WWW.Saraar Media.com

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media