Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Somaliland Abiib Timacad oo Maanta Horyimid Golha Wakiiladda Somaliland…

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Somaliland Abiib Timacad oo Maanta Horyimid Golha Wakiiladda Somaliland…

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

 

Idaacadan imika shaqaysaa sidaan idiin sheegay waxay cuntaa maalintii 490 Litre oo shidaal ah maalin walba sidii loo lahaa Idaacad keena ayeynu soo qaadanay tii ugu weynayd caalamka… Md Abiib Diiriye Nuur ….

Hargeysa (Saraar Media), Febr, 19, 2013- Wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib timacad) ayaa maanta hor tagay golaha wakiilada, isla markaan warbixin ka siiyey hawl maalmeedka wasaaradooda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey Idaacada cusub ee la keenay iyo sida ay u hawl gasho, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Idaacadan imika shaqaysaa sidaan idiin sheegay waxay cuntaa maalintii 490 Litre oo shidaal ah maalin walba, sidii loo lahaa Idaacad keena ayeynu soo qaadanay tii ugu weynayd caalamka, dabadeedna way nala noqon wayday runtii oo anigii ayaa ka yaabnay oo is nidhi waa la khasaariyaa shidaalkan, markaa aniga ayaa seexday meesha, dabadeedna taangiyada intaanu faaruqinay ayaanu is nidhi taangiyada hubiya waxani macquul maahee sidii ayey noqotay.

Telefishanka iyo idaacadu waa isku mishiino, laba mishiin ayaa istaadha , markaa 490 Litre oo shidaal ah ayey maalin walba wasaaraddu isticmaashaa waa kharash aad u badan, waana shidaal aad u badan, waxaananu imika isticmaalaa 70 Kw, hadaanu isticmaalo 100Kw way dhaafaysaa inta aynu shidaal imika isticmaalo”.

Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay qorshaha dhaw ee Wasaaradda Warfaafinta u qorshaysan isagoo sheegay in TV SLNTV maanta laga daawado Yurub iyo Ameerikaba, wasiirku waxa kale oo uu ugu hambalyeeyay in ay wadaan hawlo ay ka mid yihiin tayeeta shaqaalaha Idaacadda iyo TV, iyo waliba Tayeenta Barnaamijyadda maalinlaha ah.

Saraar Media Desk

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media