War deg deg ah: Saleebaan Xagle toosiye oo Loo Magacaabay Wasiirka Wasaarada Dib u Dajinta JSL

War deg deg ah: Saleebaan Xagle toosiye oo Loo Magacaabay Wasiirka Wasaarada Dib u Dajinta JSL

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeisa, Sabti, 13 October, 2012 (SM) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa soo saaray wareegto Madaxweyne oo uu ku magacaaabay Wasiir Cusub iyo Wasiir ku Xigeeno Cusub, isla markaana Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib udajinta u magacaabay Wasaarad Cusub. War Saxaafadeedkan oo uu  soo saarey Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul Ayaa waxa uu dhignaa sidan hoose:-

Markuu arkay; Qodobka 90′aad farqadiisa (2′aad) ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,

Markuu tixgaliyey; Ahmiyadaha  wayn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin iyo dhismaha Qaranka,

Markuu arkay; in baahi wayn loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku qoran;

Markuu ka Fiirsaday, Kartidiisa, aqoontiisa iyo Hufnaantiisa shaqo

Markuu ku Qancay; Inuu hanan karo xilka loo magacaabay,

    Wuxuu Go’aan Saday;

1- In Mudane Saleebaan Axmed Ciise (Xagle Toosiye) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaarada Dib u Dajinta Somaliland.

2- In Mudane Cabdirisaaq Cali Cismaan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaarada Warshadaha JSL

3- In Mudane Cabdisalaan Maxamed Xasan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir – ku Xigeenka Wasaarada Macdanta , Biyaha, iyo Tamarta JSL

 

ALAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Mustafa Ali

Mustafa Ali

Editor & Director at Saraar Media Ltd

Writer, analyst, experienced media publishing and TV broadcasting,

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media