waa in dawladu ka faaidayso wufuuda ku soo qulqulaaya dalka gaar ahaan dawlada cusub ee turkiga‏

waa in dawladu ka faaidayso wufuuda ku soo qulqulaaya dalka gaar ahaan dawlada cusub ee turkiga‏

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba warbaahinta somaliand gaar ahaan shabakada caalimaga ah ee Saraar Media  iyo akhristayaasha shabakadaba.waxaan jeclaan lahaa in aan maqaalkaygan kaga hadlo ama aan wax yar kaga taataabto booqashada ay maalmahan ama todobaadyadii u danbaysay ay dalkeena somaliland ku imanayeen dawlada turkiga.marka hore anoo ka mid ah ardayda wax ka barata ama ku nool dalkaa turkiga waxaan jeclaan lahaa in aan laba qodob wax ka yara idhaahdo:

1:talo aan u jeedinaayo dawlada oo ah in ay dawladu ka faaidayso wufuudaa iyadoo aan uga faaidaynayn oo kaliya waxa umada reer somaliland markiiba qalbigooda ku soo degdega ee layidhaahdo ICTIRAAFKA.laakiin waxa jira baahiyo kale oo ay somaliland u baahan tahay oo aan ahayn oo kaliya ICTIRAAF.dawlada turkiga waa lagala hadli karaa ictiraaf laakiin aniga cabdiraxman ahaan ma qabo in ay wax inagala qabanayaan waayo NINKAAD KABAHA KA TOLANAYSO KABIHIISA AYAA LA EEGAA oo aan uga jeedo wadan walba waxa la eegaa siyaasadiisa waaayo waxa jira kooxo bariga fog ee turkiga ka dagaalamaayey sanado badan oo doonaya in ay ka goaan dawlada markaa dawlad iyadiiba laga goaayo hadaad tidhaahdid aan wadan kale ka go`ee igu taageer waa yara foolxumo waxaan dadkeena la yaabaa markay yidhaahdaan waar aynu ITOOBIYA nidhaahno ictiraaf nala doon ama na ictiraafa waa sax laakin mid ogow in ay iyaguna dad soomaaliyeed haystaan oo ay dadkaasina beri odhanayaan anagana na ictiraafa markaa xataa isaga oo aan ka baqayn hadana ay dhibaato ku keenaysa.maanta turkiga waxba lama aha in uu ku ictiraafo KURDISKA ama PKK`na yidhaahdo waar naga taga waxba idin naga go`i maysaanee ama naga daaya qaylada laakiin dhib bay ku keenaysaa.

 

2:taladayda ku aadan in turkiga looga faaidaysto markaan marba ku soo celcelinaayo halooga faaidaysto waayo waxaynu nahay wadan soo koraya oo u baahan gacan qabasho markaa fikradayda ku aadan in turkigu inagala gacan gabtaa waa xagga waxbarashada. runtii markaan run ka hadlo turkiga waxa ku yaala jaamacadaha iyo dugsiyada caalamka ugu fiican mida kale dadka turkigu waa dad jecel in ay dadka waxbaraan waayo waxa u aas aasan hayad u qaabilsan in ay dadka caalamka waxbarto hayadaas oo bixisa deeqo waxbarasho iyo iyadoo dal walba oo caalamka ka dhisanba ka dhista iskuul.

gebogebo:130 wadan ayaa dugsiyo ka fureen waxaana wadankeeda jooga 120 dal ardaydooda, waa run ujeedada ay leeyihiin waa in ay luuqadooda faafiyaan laakiin luuqad waxbarasho kale iyo dugsiyo kale la socdaan waa fiican tahay in la barto waayo ENGLSİH aynaan waxba ku helaynba waynaga baranay,markaa anoo soo gabagabaynaya maqaalkaygan waxaan dawlada iyo shacabkaba usoo jeedinayaa in ay dadkaa u sahlaan si kasta oo ay soomaaliland waxbarashadeeda ku caawin karaa maaha deeqo waxbarasho oo kali ah ee iskuulo iyo jaamacadaba inoo dhisaan,

abdurahman adan abdi

abdurahman_444@hotmail.com

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media