Shirweynihii 1aad ee Urur-Siyaasadeedka RAYS oo Qabsoomay, laguna Doortay Hogaanka ururka iyo Gole Dhexe oo ka Kooban 123 Qof+GUDAHA KA AKHRI Magacyada 17 qof oo Guddida fulinta loo doortay

Shirweynihii 1aad ee Urur-Siyaasadeedka RAYS oo Qabsoomay, laguna Doortay Hogaanka ururka iyo Gole Dhexe oo ka Kooban 123 Qof+GUDAHA KA AKHRI Magacyada 17 qof oo Guddida fulinta loo doortay

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Qaabka liiska in doorashada (Deegaanka) lagu galaa waa xaaraan, golaha Wakiillada waxaan leeyahay sharcigu yaanu noqon mid lagu ciyaaro”-Gudoomiyaha urur Siyaadeedka RAYS oo Ka Digay Cawaaqibka ka Dhalan kara Hab dhaqanka Galayaasha Sharci Dejinta Dalka

Hargeysa(Togaherer)–Ururka shaqaalaha Dhalinyarada iyo Shaqaalaha Somaliland ee Marka Magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan RAYS ayaa Maanta Shirweynihiisii 1aad waxa uu ka furmay Hotel-ka Xaraf ee Magaalada Hargeysa.

Shirweynahan oo ahaa mid balaadhan wax aka soo qayb galay Ergooyinka Xafiisyada uu Ururku ku leeyahay Gobolada Dalka oo dhan, Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururada C/risaaq Ciyaale, Xildhibaano iyo Taageerayaasha Ururka Rays iyo Marti sharaf kale.

Shirweynahan oo Hal Maalin Socday waxa lagu dhisay Golayaasha ururku ka kooban yahay sida Hogaanka Sare ee Ururka, Guddida Fulinta iyo golaha Dhexe. Waxaana gudoomiye loogu Doortay Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) GudoomiyihiiKu Meel gaadhka ahaa ee Ururka RAYS, Waxaana Gudoomiye ku Xigeen loo doortay Md. Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare ooisna ahaa Gudoomiyihii Ku meelgaadhka ahaa ee Ururkii WADAJIR oo isagu La Midoobay Ururka RAYS ka hor intaan Guddida diiwaangelintu ku dhawaaqin liiska Ururrada, waxa kale oo la doortay Gole Dhexe oo ka kooban 123 Xubnood iyo Guddi Gufileed ka kooban 17 Xubnood.

Kadib markii la doortey hogaanka Cusub ee Urur-siyaasadeedka RAYS ayaa waxa halkaasi ka hadlaya Xoghayaha Ururka RAYS Cabdiqaadir Xuseen Yuusuf oo ka hadlay dareenkiisa, kadib markii ergadu u dooratay xilkaasi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa u u mahad-celiyey ergadii ku dooratay sida aqlabiyadda ah “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa dadweynaha iyo dadka ka tirsan RAYS ee halkan nagu doortey, haddii aanu nahay hogaanka Xisbiga waxaanan leenahay walaalayaal waad mahadsan tihiin hawl adag ayaad noo igmateen”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Anigu waxaan metelaya dhalinyarada, waayo waxaan ahay nin dhalinyaro ah markaa xilkaasi Ururka RAYS waxay siiyeen dhalinyarada oo aan ku metelayaa ee sidaa ha ula socdaan dhalinyaradu”

Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Urur-Siyaasadeedka RAYS Md.Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo isna dareenkiisa cabirayey ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa dhamaan ergooyinka lixda gobol ee Somaliland ka kala yimid ee sida wanaagsan noo doortey,waxaan idinka codsanayaa xilkaa aad noo igmateen inaad idinkuna isku-kaayo garab taagtaan oo aad nala shaqeysaan, markaad idinku nala shaqeysaan ayey shaqdu noo socon doonta, runtii waa xil culus, hore waxaanu u haynay dedaalka ururka,ILAAHAY waxaan ka rajeynayaa inuu xilkaas culus nagu asturo.”

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka RAYS Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) oo gunaanadkii shirweynaha ka jeediyay khudbad kooban ayaa u mahad celiyay ergadii ku dooratay sida aqlabiyadda ah waxaanu tilmaamay inaanu waxba kala hadhi doonin sidii uu uga midho dhalin lahaa urur siyaasadeedka RAYS.

Md.Xasan Gaafaadhi waxa uu u mahad-celiyey ergooyinkii isaga kala yimid gobolada dalka, taageerayaasha Ururka iyo marti sharafkii ka soo qeybgashay shirweynaha Ururkaasi. “Waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda talada dalka haysa inay masuuliyiinta xidhan xorriyadoodi dib ugu soo celiso, haddii kale maxkamad la horkeeno.

Mar uu Xasan Gaafaadhi ka hadlayey doorashada Golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ku qabsoonto, ayaa waxa uu xaaraan ku tilmaamay in doorashada Golayaasha deegaanka lagu galo qaabka liistada ah “Qaabka liiska in doorashada (Deegaanka) lagu galaa waa xaaraan, golaha Wakiillada waxaan leeyahay sharcigu yaanu noqon mid lagu ciyaaro.”Ayuu yidhi.

Shirweynihiisuna waxay kala yihiin

Guddoomiye Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayre)

Guddoomiye ku-xigeenka labaad Saleebaan Barkhad Qalonbi

 

Xoghayaha Guud ee Ururka RAYS C/qaadir Xuseen Yuusuf Xoghaya GuudSidoo kale waxa lagu doortay xubnaha Golaha dhexe oo dhan 123 tirada oo ku salaysan tirade baarlamaanka iyo badhkeed oo qaab gobolaysan ah iyo gudi fulineed oo ka kooban 17 qof.

 

Xigasho togaherer

 

 

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media