Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL iyo TV Qaranka oo marlabaad isku diyaarinaya qabashadda Baahinta Tooska ah ee Tartanka ciyaaraha Goboladda Soomaaliland….

Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL iyo TV Qaranka oo marlabaad isku diyaarinaya qabashadda Baahinta Tooska ah ee Tartanka ciyaaraha Goboladda Soomaaliland….

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeys (Saraar Media)- Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL iyo TV Qaranka oo si wada jir ah u qabtay barnaamij Tijaabo ah oo ay oo ay ku maagan yihiin hanashadda sii deynta tooska ah ee ciyaraha Goboladda ee dhawaan dalka ka qabsoomaya khaasatan Caasimadda Hargeysa. Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL ooh ore ugu guuleesatay tebin tooska ah ee tartanka ciyaaraha Goboladda Somaliland iayadoo shirkaddu kaashanaysa warbaahinta qeybaheeda kala duwan, Baahintan tooska ah aya shirkadda SOMTEL ku caanbaxday iyadoo in Muddo ah daadihinaysay.
Kulan ay si wada jir ah u qabteyn Telefiishanka Qaran iyo shirkadda SOMTEL oo lagu qabtay xarunta shirkadda SOMTEL ayaa waxa ka soo qeybgalay Maareeyaha Shirkadda Somtel Cawil Saalah Madaxa Iibka iyo suuq geynta shirkadda Somtel Iid Muuse Muxumed, agaasimaha TV Qaranka Khadar Xasan Cali iyo saraakiil kale. Munaasibadda oo lagaga hadlaayay tijaabadda Baahinta tooska ah ee dhanka Internet-ka ee shirkaddu ka damacsantahay Tartanka ciyaaraha Goboladda ee dhawaan ka qabsoomi doona Hargeysa
Ugu horeyn waxa kulankaa hadal kooban ka soo jeediyay madaxa xafiiska suuqgeynta iyo Iibka ee shirkadda Somatel Iid Muuse Muxumed waxaanu sheegay ujeedada shirkan jaraa’id ay u qabteen inay tahay sidii ay Somtel ugu soo bandhigi lahayd bulshada Somaliland daawashada ciyaaraha gobalada Somaliland ka dhici doona, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “xafladdan aanu galabta shirkayagani jraa’id ku qabanaynaa waxa hordhac u yahay oo aanu ugu talogalay inay bulshada reer Somaliland iyo kuwa kale ee caalamka joogaaba si toos ah ugala socdaan baahinta shirkadda Somtel iyo TV-ga qaranka oo aanu iska kaashanayno waana tijaabadii ugu horeesay ee Tebinta tooska oo aanu Insha-Allah u fududeendoono dhamaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan in ay si toos ah u gudbiyaan geedi socodka ciyaaraha Goboladda Somaliland waa sida uu hadalka u dhigee.

Shirkadda isgaadhsiinta Somtel dadweynuhu waxay uga barteen sidii uga haqabeelilahaayeen ciyaaraha iyo arrimaha kale ee khuseeya bulshadda caam ahaan Md Iid Muuse Muxumed isaga oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in uu u aad ugu kalsoonyahay in barnaamijkani noqon doono mid bulshada raali galiya gaar ahaan inta xiisaysa ciyaaraha waxaanan idin leeyahay waa Somtel oo markale idin leh ballanteenu waa Garoonka ciyaaraha iyo annaga si toos ah idiinku soo gudbindoona tartanka ciyaaraha Goballada Somaliland oo dalka ka dhici doona 15ka bishan aan ku jiro”

Waxaa isaguna madasha shirkaasi jaraa’id ka hadlay maareeyaha TV-ga Somaliland Khadar Xasan Cali Gaas waxaanu sheegay inay farxad u tahay ka maamule ahaan inay shirkadda Somtel ku marti qaaday bilawga barnaamijkaasi tooska ah ee ciyaaraha lagu baahin doono isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa shirkadda Somtel oo noo fududayndoonta baahinta tooska ah ee tartanka ciyaaraha Gobaladda ee aanu dhawaan ugu wanqalidoono caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland o dhawaan dalka ka dhicidoona”
Agaasime Gaas waxa uu sheegay inay ka Telefeeshan ahaan dhinacooda sida shirkadda Somtel oo kale uga diyaar garoobeen siweyn baahinta ciyaaraha waxaanu sheegay inay tayada muuqaalka sawirrada TV-ga oo markii horaba fiicnaa ay hadana meel fiican gaadhsiiyeen “annagu ka TV ahaan waxaanu u diyaar garoobeynaa sida shirkadda Somtel oo kale ugu diyaar garawday waxaanan sare u qaadnay tayada muuqaalada sawirrada aanu baahindoono” ayuu yidhi Mr Gaas.

Waxaa isaguna intaa kadib xafladda shirkaasi jaraa’id ka hadlay maaryeeha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi waxaanu ugu horeyn halkaa uga mahad naqay madaxa TV-ga qaranka Somaliland oo kala soo qaybgalay shirkaasi jaraa’id “salaam ka dib marka hore aan u mahad naqayaa maareeyaha TV-ga qaranka iyo guud ahaanba bahda warbaahinta kaladuwan ee madashan xaadirka ku ah iyo kuwa kale ee hadhaw hawada naga daawan doona” ayuu yidhi Mr Cawil Saalax Cabdi.

Dhanka kalana maareeyaha Somtel waxa uu hanbalyada sanadka cusub ee miilaadiga ah u diray shacabka reer Somaliland gaar ahaan macaamiisha Somtel isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi waxaa kale oo uu maareeyuhu inay salaataasi wada gaadhayso macaamiisha hadda sida tooska ah ugu xidhan Somtel iyo kuwa kale ee dhexa ku soo jira si ay u soo gaadhaan adeegga laga daba dahcay ee shirkaddaasi isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “dhamaan waxaan salaamayaa macaamiisha shirkadda Somtel iyo kuwa hada ku soo jira oo aan rajaynayo inaanay adeegga Somtel cidiba ka maqnaandoonin adeegan casirga ah ee aanu soo wadno kaasi oo aan rajaynayo inaanu kaga gun gaadhi doomo hamigayagii ahaa inay macaamiishayadu raali ka noqdaan adeegga yaga markastaba”
Maareeyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Armaha ciyaaraha iyo kaalinta ay ka qaateyn hormarinta dhanka bulshada aytahay mid lixaadkeeda leh loona baahanyahay in shirkad ahaan iyo shacab ahaan qolo waliba ay ka qaadato kaalinta ay leedahay
Dhanka kalana maareeyahay Somtel waxa uu sheegay dhalinyarada reer Somaliland inay tahay inay iyagu dhexdood tusale fiican xagga ciyaaraha isugu noqdaan “dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay waxaad haysataan waxaad tusaale ka dhigataan oo aad dhediina iskaga dayataan ciyaaraha intii aad ku dayan lahaydeen kuwa aydaan aqoonin oo u dhashay wadamo kale oo shisheeye ah” ayuu yidhi Cawil Saala Cabdi.
Gabagabadii ayaa saxaafaddu su’aalo ku weydiisay masuuliyiinta iyakoo si cad u dul istaagay in Barnamijkani yahay markii labaad ay shirkadda SOMTEL ku waraabinayso Internet-ka warbaahinta si ay u tebiyaan Baahinta tooska ah ee ciyaarha Goboladda Somaliland.

Awad Dooyo
WWW.Saraar Media.com

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media