Shir qaadhaan ururin ah oo ay soo qaban qaabiyayeen Gudida dib Udhiska madaarka Burco ayaa Badiba Ganacsatada Gobolku aanay kasoo qayb Galin

Shir qaadhaan ururin ah oo ay soo qaban qaabiyayeen Gudida dib Udhiska madaarka Burco ayaa Badiba Ganacsatada Gobolku aanay kasoo qayb Galin

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

(saraar media) Burco 24-08-2012 shir loogu talo galay ururinta dhaqaalihii bulshada iyo Ganacsatada Burco kaga qayb qaadan lahayeen dib udhiska madaarka burco ayaa xalay lagu qabtay hotel city plaze ee magaalada burco shirkan oo la filayay inay kazoo qayb galaan in kabadan 300 ganacsato oo lagu marti qaaday shirkaasi kana mid ahaa ganacsatada  kaalmaha shidaalka,shirkadaha laydhka,xawaaladaha iyo dhamaanba Ganacsatada Gobolka gabi ahaanba aanka soo xaadirin kulankaasi marka laga reebo shirkada biyaha ee maaxda iyo saddex kaalmood

ganacsatada ka baaqatay ka qayb galka shirka ayaa dhamaantoodba gacanta laga gashay kaadhadhka martiqaadka islamarkaana aqbalay siduu noo xaqiijiyay Xoghayaha gaarka aah wasaarada duulista iyo hawada ee somaliland  waxa shirkan lagu ururiyay dhaqaale ghaadhaya illaa 19 kun oo Doller oo ay bixisay 8 kun oo kamid ah shirkada maaxda iyo saddexda kaalmood ee shidaalka ee iyogo kasoo qayb galay kulanan iyadoo inta kalena ay bixiyeen bulshadii rayidka ahayd ee ku sugnayd goobta,gudida dib udhiska madaarka ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka gobolka togdheer inay si hagar laana uga qayb qaataan dib udhiska madaarka magaalada Burco gudida madaarka burco sheegay sida ay uga xunyihiin ganacacsatada ka baaqatay ka sooqayb galka kulankaa qaadhan ururinta ah waxayna aad ugu mahad celiyeen shirkada Dahabshiil Oo iyadu bixisay 100 kun Oo dollerka maraykanka ah kuna furtay kulankaasi

Abdikariim aden cise

Email:shaxshax_tarabi@hotmail.com

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media