Quruxdii Gobolkii la odhan jirey Waqooyi Bari (Sanaag,Sool,Saraar iyo Togdheer) ee Caasimadiisu ahayd Burco.

Quruxdii Gobolkii la odhan jirey Waqooyi Bari (Sanaag,Sool,Saraar iyo Togdheer) ee Caasimadiisu ahayd Burco.

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button
Markaan yaraa,waxaan xusuustaa iyadoo caruurta iskuulka markay tegeyso loosii dhaashiyo oo markay quraacdaan ay jalxada koob biyo ah oo qaboow kasii cabaan,markay iskuulka gaadhaan inta subaxii lasoo safo cidiyahooda iyo timahooda la eego,dharkoodu inuu nadiif yahay oo kaawiyadaysan yahay laga hubiyo,iyadoo iskuulka la dhigan jiray lix bilood,lixda kalena fasax yahay oo ardaydu baddi miyiga u baxaan oo ay aad uyaqaanaan nolosha iyo dhaqanka miyiga.waxaa lagu beegi jirey fasaxa xiliyada gu’ga.
Gu’gu markuu da’o dooxooyinka waxaa ka bixi jirey geedo iyo dhir gaagaaban oo ubax huruud iyo cadaana ah leh,ciid qurux badan oo aad nadiif u ah baa mulacu raad kusamayn jirey,dhudhubaha afkooda waxaa ka bixi jirey geedxamar aad udgoonaa oo burcadka lagu shiili jirey,dooxada xageeda sare waxaa ku ooli jirey buurro aadan dhagaxa arkayn oo dhirtu qarisay,dhirta hoosteedana waxaa ka bixi jirey geedo ramaas ah oo jilayc dartii dhinac uwada foorora oo qalbiga xasilooni gelinaya,subaxii markay tahay geedaha iyo caleenta dhirta waxaa dul saarnaan jirey dhibco sayaxa oo markay qoraxdu soo baxdo sida muraayada iftiinka qoraxda oo falaadho leh kugusoo celiya,waxaa sanka lala raaci jirey urta geedka Jinowga ilaa aad dultegtid oo aad caleentiisa dhanaan ee markaad calaalinaysid sanqadha cusaybnimada bixisa.
Indhaha isku qabo markaad intan akhriyeysid,aahaa,waa dooxada Sadexgeed oo roob wanaagsani ayaammo horteed ka da’ay,waa dhul ilaa inta ishaadu wax ka arkayso aan wax isha aragtideeda celiyaa jirin hadaad doonaysid inaad ogaatid in dhulku Ugax oo kale yahayna halkaa ama Bancade tag.dhulka waxaad moodaa in karbed cagaaran lagu fidiyey,baliyadana qarkooda waxaa qariyey ramaaska,subaxii xoolaha waa la bariisiyaa,barqadaa ooda laga qaadaa dabadeedna maqasha inta edegga laga soo saaro ayaa xerada lagu sii dhexdaayaa markaasay intay rableeyaan mararka qaarkood intay is ilaawaan muska galaan,
Ka dib markay maamulka kasoo jeestaan waxaa adhiga ka daba taga lamaanaha oo kildhi shaaha oo afka ka furaysan iyo laba koob sita,waxay daba fadhiistaan  adhiga oo ay waxbadan oo isku seegay ka wada sheekaystaan,markay yare durkaan ee xooluhu tabaan codkii dadka ayay iskood usoo jeestaan oo usoo ekaadaan xagii ay dadka ku ogaayeen,intaanay duhur gaadhina way iska fadhfadhiistaan xooluhu dhereg darteed.awrta lama seeteeyo lamana dabro oo galabtii iyadoo awrkii uweynaa hogaaminayo ayay gelgelinta yimaadaan sidii ay dadka usoo xiisoodeen,fiidka markay gaadhona caano geel oo dhiilo la culay ku jira ayaa dumarku halkay ku nasanayaan loo dhigaa,raamsiga xoolaha oo hurdo kugu abuuraya mooyee sanqadh kale ma jirto,geeljiruhuna caanaha geela markuu ka dhergo wuxuu dhulka rayska leh ka samaysan jirey berkado oo intay caanaha ku shubaan ayay hadhoow usoo noqon jireen caanihii oo aad uqaboobey markaasay raqi jireen.waxaan ufilayaa in Xasan Ganey ila daawanayey dhacdadan.
Burco,Intaanay iman gaadhiyada yaryar ee Jabaanku,tagaasidu waxay ahaayeen gaadhiyo karaasiiddadda ka waaweyn laankuruusarkana ka yaryar,malaha Folge,waxaan arki jirey odayo gaadhi VW oo iga siimi la odhan jirey meelaha makhaayadaha quraarad cofee ku jiro oo aad u udgoonaan jirey kala soo dega oo yidhaahda kafi baan cabayaa,isagoo is xariifinaya oo shaaha diida,oo odayaasha inta taariikhda ka waranta iyo inta gabaydaba aad loogusoo xoomo oo ay yihiin sida jilayaasha reer galbeedka.waxaanse aad u xasuustaa inaanay ahayn sida gobolada qaar kuwo kaftankoodu yahay laba layn oo markiiba dhamaada ama mid hebel iska raw waxbuu uga jeedaa toona aanay ku jirin oo aad xikmada loo dhegeysto aadna jareexada loogu qoslo.
Waxaan xasuustaa marka adoo waysaysanaya oday aan aad wax umaqlayn uu iskaasoo kortaago isagoo eedaanka umalaynaya in la aqiimayo dabadeedna uu damco inuu ku dedejiyo oo uu markiiba kugu dul alifo sheeko isagoo dhegta is haya oo qufac iyo qosol isku qarinaya uu yidhaahdo dadku ma kala garanayaan weysada iyo qasaasha(waxaa naloo baray in dadka waaweyni markasta saxsan yihiin)dabadeed markaad uga kacdo ee uu weyseysto degdegii uu kusoo ordayey jameecada uu dhexda sibidhkii ku turunturoodo.uu iska labo rogo Allena waxba kuma yeelo.
wax kale umasoo ordayo ee waa dadka saalaatu sahwiya oo wuxuu la rukuucaa oo la sujuudaa jameecada,dabadeedna wuxuu imanayaa iyadoo la aqiimayo markaasaa masaajidkoo weyn waxaa laysku cidhiidhyaa dhowrka layn ee ugu horeeya,iimaankaa soo jeesta oo yidhaahda isku durka oo safafka sima,sidii taliye ciidankiisa gaardis ulaylyaya,iyadoo awelba dadka naqasku hayey cidhiidhi dartii ayaa qofwaliba isagoo aad moodid inuu qori cabaysanayo uu suxulka bidix kor utaagaa oo garbaha kala saraysiiyaa,cidhiidhiga oo qudhi dadka ma kala qaloocin ee markii dambe way la qabsadeen,odaygii baa usali fardal oo xidhanaya salaadii,qofkii aan waxa lagu tukado aqoon wuxuu ka baran karaa masaajidka oo waxkasta waad maqlaysaa,inkastoo bowsigu uu baas yahay,marka la rukuuco hadaad istidhaahdid jameecada ka yare hadh kuu suuro gelimayso cidhiidhi dartii oo waa inaad raacdaa.
Bashiir Tarabi Ogle
bashirtarabi@saraarmedia.com
bogleh@gmail.com
Mustafa Ali

Mustafa Ali

Editor & Director at Saraar Media Ltd

Writer, analyst, experienced media publishing and TV broadcasting,

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media