Qaahira Iyo Benghazi Oo Ay Gilgileen Kacdoono Ka Dhashay Filim Nebi Muxamed (CS) Lagu Aflagaadeeyay Iyo Safiirkii Maraykanka U Fadhiyey Liibiya Oo La Dilay

Qaahira Iyo Benghazi Oo Ay Gilgileen Kacdoono Ka Dhashay Filim Nebi Muxamed (CS) Lagu Aflagaadeeyay Iyo Safiirkii Maraykanka U Fadhiyey Liibiya Oo La Dilay

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Qaahira Sep 12,2012 (Saraar Media)   Dadwaynaha ku dhaqan Magaalooyinka Qaahira ee dalka Masar iyo Benghazi ee dalka Liibiya ayaa maanta sameeyay kacdoon balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan dalka Maraykanka.

Dadkan Kacdoonka sameeyay ayaa la sheegay inay ka cadhoodeen Filim lagu duubay dalka Maraykanka oo lagu aflagaadeeyay Nebigeenii Muxamed (NNKH), kaasi oo ay jilayaal ka yihiin dad reer Masar ah oo haysta diinta Kiristaanka isla-markaana uu qoray nin baadari ah oo ku nool dalka Maraykanka.

Dadka reer Benghazi ee kacdoonkan sameeyay ayaa waxay xoog ku qabsadeen safaarad Maraykanku leeyahay oo ku taalay Benghazi, iyagga oo dab qabadsiiyay ka dibna dilay saddex qof oo uu ku jiro safiirkii Maraykanka ee Liibiya Christopher Stevens, sida ay xaqiijisay xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Hiliry Clinton oo arintan ka hadashay.

Sidoo kale, dadka reer Qaahira ee kacdoonka sameeyay ayaa la sheegay inay la wareegeen Safaarada Qaahira Maraykanku ku leeyahay isla-markaana ay dejiyeen calanka Maraykanka oo ay sudheen Calan kale oo lagu xardhay Towxiidka, iyagga oo gacmaha isula tagay ciidamada amaanka ee isku dayey inay hakiyaan kacdoonkan.

Sidoo kale, dadka reer Qaahira ee kacdoonkan ka qayb-galay ayaa gubay calanka Maraykanka markii ay hoos uga soo dajiyeen halkii uu sudhnaa.

 

source; ramaas

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media