Q.3AAD BARIGA SOMALILAND WAA IN LOO SAMEYA GUDIDAD HORUMARINTA IYO DARYELKA

Q.3AAD BARIGA SOMALILAND WAA IN LOO SAMEYA GUDIDAD HORUMARINTA IYO DARYELKA

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Q.3aad  Aniga Oo Jecel Marwalba

Horumarka Dalkayga  Iyo Dadkayga
Somaliland Waxaan ku Talinaya Maanta
Ama Aan Codsanaya In  Si Dhakhso Ah
Loo  Magcaabo Gudida Horumarinta Iyo
Daryeelka Gobalada  Bariga  Somaliland
Gudidaas Oo ka Hawl Gasha  Gudaha Iyo
Dibadaba, Hawshani waxay Ku haboonytay
in  Loo Xil saaro dad Daacad ka ah waxqabadka
Iyo Horumarinta  Bariga somaliland Khayr Insha
Allahu By Sidiiq Sh Farah Gabaar.
Marka Hore Waxaan salaamaya Saxaafada Sharafat Leh Iyo Shacabka Qaaliga Ah wasaalamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarkaatu.bacda
Waa qaybtii Sadexaad Ee Guubabada Iyo Canaanta Bariga Somaliland Hadaba maanta anigoon Ku Dheeraanaynin Qoraalka hadii Aan dulucda Ama Ujeedadad Aan ka soo qaato waxaan Jeclaystay Amaba aan Codsanaya In la magacaabo Gudida Horumarinta Iyo Dareyeelka Bariga Somaliland, Gudidan Oo ka Hawl gali Doonta Dalka gudihiisa Iyo Dibadiisaba hadaba maxay tahay Waxqabadka iyo Waxa Looga Baahanyahay Gudidani.
1) Gudidani Waa inay Ahaadaan rag Iyo Dumarba Dad U daacada Horumarinta Iyo Daryeelka Bariga Somaliland,
2..Waana Inay Ahaadaan Dad Karti Iyo Dulqaad U Leh Hawsha Iyo Xilka ay Qaaden,
3..Waa inay Ku hawl galan Sharci Adag Oo kala haga,
4 Waa inay Hawsha u kala qabtan siday U kala Horeysa Tuulo Degmo iyo Caasimada Gobalba
5.. Waa in Awooda La saara Horumarinta Waxabarshada Iyo Caafimaadka Dhismaha Wadooyinka Iyo Shaqo abuuris  Biyo Galin Sida Harooyinka Iyo Ceelasha Si ay Dadku Uga raystaan Haraad Kii Laayay Barigii Dhawayd Oo kale Ee Ka dhacay waqooyiga Togdheer,
Waxaanan jeclahay Dadku Inay Nagala shaqeeyaan Guubaabada Iyo talada Fadalan ka soo Dhiibo Fikarkaaga,
Maanta Halkaas haynoo Joogto waxana  Ku soo Gabagabaynayaa Halagu Fakaro Waxqabad Iyo Horumar Hana laga baxo Daan daan Iyo habar habar Iyo Hebal  Hebal.
Wabilaahi Tawfiiq Ilaahaya Khayrka hayna waafajiyo Aamiin
Ilaahaya Ayaa Mahad gaara iska Leh Al Xamdulilaahi Rabil Caalamiin Ilaahay Xidhiidhkiisa Hala hagaajiyo  walaahay waxaad Ku badbaaysan if Iyo Aakhiraba waa Xidhiidhka Ilaahay oo aad hagajisaan saladaha oo aad Ilaashataan Salada Subax Oo aad U kacdaan.waxaad gaadhaysan Horumar Iyo Barwaaqo.Maansha allahu Barwaaqda Iyo Bash bashka la doonaya waxaad Ka helaysaa xidhiidhka Ilaahay oo Aad hagaajiso Insha Allahu.
Somaliya Iyo caalamula Islaam ilaahay Dhibka Haka Dul Qaado Aamiin Aamiiiiiiiiiiiiin
Soamliland Ilaahay guusha Iyo himiladeedaba hagaadhsiiyo xaqana Ilaahay hayna garansiiyo Aamiin Aamiin.
Somaliland guuuuuuuuuuuuul Iyo Gobanimo Alahu maa cisal Islaamu walmuslimiin.
By Sidiiq Sh Farah Gabaar
Skandenivian
Gaashaan_1986@hotmail.com
Mustafa Ali

Mustafa Ali

Editor & Director at Saraar Media Ltd

Writer, analyst, experienced media publishing and TV broadcasting,

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media