NINKA GOLAHA BAARLAMANKA U TALIN KARI WAAYAY AYAA MADAXWEYNE DOONAYA!!!!!!

NINKA GOLAHA BAARLAMANKA U TALIN KARI WAAYAY AYAA MADAXWEYNE DOONAYA!!!!!!

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

NINKA GOLAHA BAARLAMANKA  U TALIN KARI WAAYAY AYAA MADAXWEYNE DOONAYA!!!!!!

Waxaa maekhaati ma doonto ah in golaha baarlamanka somaliland uu gabay shaqadii loo igmaday ee ahayd dejinta sharciga iyo ilaalinta fulintiisa, waxaa iyana aad usoo ifbaxday golaha oo aan maamul iyo cid shaqadiisu inay fusho ilaalisaa aanay jirin taasna waxaa dhaliisha leh gudoomiya iyo shir gudonka.
Golahan oo aad loogu han weynaa ayaa noqday mid lagu hungoobay waxaana dhacda inta badan in ay goluhu fadhiisan kari waayanba oo korumku buuxsami waayo, waxa iyana jira mudanayal inta badan debeda ku maqan ama aan golahaba kasoo xaadirin muddo aad u dheer bil ilaa sanado, iyo kuwo jooga dalka oo u shaqo taga meelo kale dayacana hawshii loo igmaday.

Hadaaba golahaas inuu guto shaqadiisa iyo wixii kalee la xiriira waxaa ugu horayn xil ka saaran yahay gudoomiyaha baarlamanka, mana filayo inuu cirro gutay shaqadiisii umadda iyo qarankana waxaan qabaa inuu dayacay, waxaase la yaab ah ninka maamuli kari waayay gole qaran oo ah 82 xubnood ayaa hadana usoo cimaamatay inuu madaxweyne dalka ka noqdo !!! .

Waxaa la gudboon reer somaliland inay qiimeeyaan cabdirahman cirro iyo ururkan loo soo dhiibay iyagoo eegaya intuu uu golaha joogay waxa uu qabtay, iyo maanta golahii  halkuu ku danbeeyey.  Waxaa wax laga xumaado ah in maanta golahii la doortay noqdo wax maqan, wax isaga la qadhaabta, wax madaxtooyada u shaqo taga iyo inyar oo kooban oo yaaban oo aan cidi dhegaysan, masuuliyada baaba aana waxaa iska leh gudoomiyaha cirro.

Wa billahi tawfiiq.

mubaarak cabdisalaan qabileh

rabaajira@hotmail.com

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media