Mudaharaadyo sababay khasaare Dhaawac iyo Dhimashaba leh oo ka socda Saylac 24-Kii Saacadood Ee U Dambeeyey…..

Mudaharaadyo sababay khasaare Dhaawac iyo Dhimashaba leh oo ka socda Saylac 24-Kii Saacadood Ee U Dambeeyey…..

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Saylac (Saraar Media) – Mudaharaad ka socday magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel oo bilaabmay maalintii shalay ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca ku dhawaad shan qof oo kale.
Mudaharaadkan oo dadweynaha reer Saylac kaga cabanayeen doorashada hogaanka dawladda hoose ee magaaladaasi ayaa sababay Muaharaadyo soo noq noqday oo labada dhinac ee isku khilaafsan dhigayeen.
Mudaharaadkan ay dadweynaha reer Saylac dhigayaan ee bilawday maalintii shalay ayaa waxa ay ku soo beegeen wakhti la filayey in la qabto xaflada xil wareejinta ay xilka kula wareegayaan golaha deegaanka ee cusub, iyada oo dadkan mudaharaadka dhigayaan habeenkii xalay u hoydeen xarunta dawladda hoose ee magaalada Saylac.
Warka naga soo gaadhaya magaalada Saylac ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in ay Ciidamada Booliska qaybtooda loo yaqaano RRU-du gaadheen magaaladaasi si ay u kala dareeriyaan dadka mudaharaadaya, taasi oo markii ay dadweynuhu arkeen ciidamadan bilaabeen shiid ka dhan ah, halka ciidamaduna adeegsadeen rasaas ay ku kala dareeriyaan, isla markaan sababtay khasaaraha dhimashada hal qof iyo dhaawaca dad tiradoodu gaadhayso 5 qof oo kale.
Wixii war ka soo kordha la soco wakhtiga soo socda
www.SARAAR MEDIA .com

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media