Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray Dhaqan-galka Miisaaniyad Sanadeedka 2013-ka …

Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray Dhaqan-galka Miisaaniyad Sanadeedka 2013-ka …

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

  Hargeysa (Saraarmedia) - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray waxa uu ku dhaqan geliyay Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013-ka ee shalay Golaha Wakiiladdu ansixiyeen.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1492/12-2012 ku dhaqan-geliyey miisaaniyad qaranka ee sannadeedka 2013-ka.

Madaxweynuhu:–
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada, Go’aan Lr. GW/G/KF-20/584/2012 ee ku taariikhaysan 31/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan.
Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Mad-bacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31-12-2012 ay dhaqan-gal tahay miisaaniyada qaranka ee 2013-ka.”

www.Saraarmedia
Hargeysa – Somaliland

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media