Madaxweyne Kuxigenkii Dalka Malawi Mrs Bandu oo loo dhaariyey xilka madaxweynanimo ee dalka Malawi‏

Madaxweyne Kuxigenkii Dalka Malawi Mrs Bandu oo loo dhaariyey xilka madaxweynanimo ee dalka Malawi‏

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Wararka ka imanaya dalka Malawi ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka malawi lagu dhaariyey barlamaanka dalkaas maanta kadib kolkii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaasi

Joyce Banda oo 61 jir ahi waxay noqonaysaa madaxweynihii ugu horeeyey wadamada koonfurta afrika ee haween ah. Joyce waxa ay tidhi waxaan doonayaa inaynu u dhaqaaqno dhamaanteed mustaqbalka oo ay ku dheehantahay rajo iyo isku duubni.

Joyce waxay amartay in calanka dalka Malawi hoos loo dhigo TV qarankana laga sii daayo muusik loogu baroordiiqaayo madaxweynihii geeriyooday.

 Waxaa la rajaynayaa in Joyce Banda ay xilka sii hayso inta la gaadhayo doorashada la qoondeeyey inay wadanka ka dhacdo sanadka 2014ka. Wadamada Afirika waxaa soo waajaha burbur siyaasadeed oo mar marka qaarkood ama inta badan keena khasaare maal iyo nfba leh, laakiin waxaan u rajaynaynaa in Malawi ay ka badbaado dhibaatadaas
Xigasho Warqabadka Togaherer

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media