Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wafti Uu Hogaaminaayo oo Boorama U tegay Xal u helida Mudaharaadkii Maanta ka dhacay

Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wafti Uu Hogaaminaayo oo Boorama U tegay Xal u helida Mudaharaadkii Maanta ka dhacay

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

 

Boorama (Saraarmedia) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici) iyo wafti wasiiro iyo Guurti iskugu jirta ayaa galinkii dambe ee maanta u ambo-baxay Magaaladda Borama oo ay ka dhaceen Mudaharaadyo rasbshado wata.

Madaxwayne ku xigeenka iyo weftiga la socda ayaa halkaasi u tagay sidii ay u damin lahaayeen Mudaharaadadaasi oo ay dhigayaan dad ka cadhaysan dib u dhaca ku yimid maayarka Magaaladda Saylac, kuwaasi oo weliba xukuumadda ku eedeeyay inay faro-galisay doorasho Maayar cusub loogu doortay Magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka Salal.

Madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee la scoda oo la filayo inay gaadhaan Magaaladda Saylac, ayaa caawa kulamo la qaadanaya Madax-dhaqameedka reer Awdal ee ku doodaya inay xaq u leeyihiin Maayarnimada Saylac oo dood adag ka taagan tahay, inkasta oo Mudanayaasha Guurtida kala socda qaarkood yihiin kuwii Madaxwayne Siilaanyo ka diiday qorshihii ahaa in beesha Awdal ka tanaasusho Maayarnimada Saylac ee ay ku doodayaan. Waftiga uu Madaxweyne ku xigeenku Hogaaminaayay oo la kulmay Mudaharaad rabashado wata, taas oo keentay in ciidamada ilaalada Madaxwayne ku xigeenka iyo kuwo booliska oo iskaashanaya ay u adeegsadaan mudaharaadka Rasaas nool oo keentay in ay afar qof kudhaawacmaan.

Dadkan ayaa la sheegay in ay diidan yihiin in xal laga gaadho muranka ka taagan Maayarnimadda Saylac oo xukuumaddu doonayso in loo dhiibo xildhibaan reer Salal ah, halka Reer Awdal oo xildhibaano uga soo baxeen Saylac ay doonayaan inay qabtaan Maayarnimada Saylac.

www.Saraarmedia.com

Boorama – Soamaliland 

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media