Maayer kuxigeenka London Richard Banes oo lakulmay jaaliyada Somaliland eek u dhaqan galbeedka London

Maayer kuxigeenka London Richard Banes oo lakulmay jaaliyada Somaliland eek u dhaqan galbeedka London

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

(Saraar media)27.04.2012Ugu horayntii waxaa halkaa kahadlay maamulka jaaliyada Somaliland oo umahad celiyey maayer kuxigeenka London sida wanaagsan ee uu u aqbalay codsigii ay udireen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan galbeedka London iyo martidii sharafta lahayd ee kasoo qayb gashay kulankaa.

Haddaba sida lawada ogsoon yahay waxaa dhicidoonta tartankii loogu tartamayey ama lagu dooranayey maayerka London oo dhicidoonta 03.05.012  oo ay utartamayaan xisbiyo badan oo ay kamid yihiin labour  liberal democrat greenka and ukip.

Richard Barnes wuxuu katirsan yahay xisbiga talada haya waa Conservative Wuxuuna u kaambeen garaynayaa maayerka talada haye boris Jonson.

Richard Barnes wuxuu aad uga hadlay waxyaabo badan oo u baahan oo ay qabteen 4 sano ee ay talada hayeen iyo waxa kale ee ay qabandoonaan haddii ay kuguulaystaan waa sida uu hadalka udhigaye ugu horayntii wuxuu kadahlay falalka xunxun ee kadhaca London sida dilka, xadida, daroogada  iyo guryo la aanta kajirta London, ugudambayntiina wuxuu halkaaa kaga jawaabay suaalo ay kuwaydiiyeen dadwaynihii sharafta la haa ee kasoo qaybgalay.

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media