Komiishanka Doorashooyinka Oo Iska Difaacay Eedaymaha Khaladaadka Doorashadii Golayaasha Deegaanka

Komiishanka Doorashooyinka Oo Iska Difaacay Eedaymaha Khaladaadka Doorashadii Golayaasha Deegaanka

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

 

Hargeysa (Saraar Media) – Komiishanka doorashooyinka qaranka, ayaa iska difaacay eedaymaha loogu jeediyay khaladaadkii ka yimid doorashadii deegaanada Somaliland ee dalka ka dhacday dabayaqadii sanadkii hore.
Komiishanku waxay ku doodeen inay doorashada ku qabteen xaalad adag oo ay ku xeernaayeen duruufo badan oo dhanka sharciga ah iyo waliba arimo la xidhiidha nidaamka doorashada qabsoomideeda loo qorsheeyay.
Qoraal Guddoomiyaha Komiishanku ka akhriyey Munaasibad Komiishanku u qabtay shirkadii la siiyay qandaraaska Waraaqaha doorashada lagu galay ee SMITH, ayaa waxay ku sheegeen in doorashadaasi ahayd mid isxambaar ah “Doorashadii maantu waxay ahayd isxambaar, musharixiintu xambaarayeen xisbiyada/ururadu si loo helo saddex xisbi qaran, Intaa oo dhan oo qof iyo qabiilba u guclaynaya, dhammaana diyaar u ahaa sax iyo qaladba inay helaan cod ay ku soo baxaan”
Komiishanku waxa kale oo uu soo qaaday “Komiishanka doorashooyinka qaranku waxay ugu badheedheen inay ku qabtaan doorashada baaxadaasu leh iyadoo ay jiraan duruufo hoos ku qoran oo ku gedanaa doorashada” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daraya isaga oo tirinaya duruudaha uu sheegay inay ku xeernaayeen “Dabaro sharci oo iska leh baxaya.
Diwaangalintii oo la laalay, Habkii liistada furan oo la qaatay oo ah tajriibo inagu cusub, galdalooladeedana leh. Iyada oo aanay jirin degmo doorashooyin sii kala xaddida Magaalooyinka Waaweyn, Iyadoo aanu jirin sharci xakameeya dadka ku noqnoqda doorashada ama codeynta. Intaasi oo jirta Komiishanka doorashooyinka qaranka ILAAHAY wuu ku guuleeyay qabsoomidii doorashadii 2012-ka”
Komiishanku waxay sheegeen in aanay u dulqaadanayn inuu eedeeyo qof qaatay natiijada lagu muransan yahay “Komiishanku waxaanu marnaba qaadanaynin inuu eedeeyo ninkii natiijada qaatay, taasoo ay maanta ku fadhiyaan dalka oo dhan xildhibaanadii cusubaa”
www.Saraar Media.com

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media