Isku day lagu dili lahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la Fashiliyay

Isku day lagu dili lahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la Fashiliyay

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Muqdisho (Saraarmedia)-Hay’adda nabad sugidda qaranka ayaa sheegtay in ay fashilisay isku day lagu doonayay in lagu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Hay’adda ayaa maanta ku soo bandhigtay Muqdisho mid ka mid ah shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Tahliil Cabdullaahi Nuur oo ay ku eedeysay inay, Al-Shabaab u soo adeegsatay in uu dilo guddoomiyaha gobolka.
Taliyaha hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ay ogaadeen qorshaha lagu dili rabay Tarsan kaddib markii ay sameeyeen baaritaanno.
Tahliil Cabdullaahi Nuur oo ah ninka waday isku dayga ayaa warbaahinta u sheegay in ay Al-Shabaab la soo xiriireen, una so dirsadeen in uu miino ku xiro xafiiska guddoomiyaha si loogu qarxiyo, wuxuuna tilmaamay in loo sameeyay ballan-qaadyo.
Nabad-sugidda ayaa marar badan fashilisay weerarro ay Al-Shabaab damacsaneyd in ay caasimadda ka fuliso.
www.Saraarmedia.com
Muqdisho

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media