“Hoggaamiyihii SSC ayaan ahaa, walina waan ahay” Mudane Saleebaan Xagla Toosiye

“Hoggaamiyihii SSC ayaan ahaa, walina waan ahay” Mudane Saleebaan Xagla Toosiye

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

‘Hoggaamiyihii SSC ayaan ahaa, walina waan ahay, bulshada Somaliland oo dhan baan Wasiir u Noqday’‘Wasaaraduhuna waa isku mid, waan ku qanacsan nahay Wasaarada la ii magacaabay’

Hargeysa, Isniin, 22 Oct, 2012 (SM)- Wasiirka cusub ee dib u dejinta Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa maanta markii u horeysay shaaca ka qaaday inuu ku qanacsan yahay Wasaarrada loo magacaabay. Waxaanu tilmaamay inuu ka shaqayn doono sidii loo fulin lahaa tabashooyinkii deegaankiisu ay u soo jeediyeen xukuumadda Somaliland.

Wasiirka cusub ee dib u dejintu waxa uu sidaasi ku sheegay xaflad balaadhan oo uu maanta xilkii wasaaradda ugala wareegay Wasiirkii hore Md. C/Risaaq Cali Cismaan oo hadda loo bedelay Wasiirka cusub ee warshadaha.

Md. Saleebaan Xagla-toosiye waxa uu ugu horayn bogaadiyay Wasiirkii hore ee dib u dejinta, waxaanu shaqaalaha ka dalbaday inay ula shaqeeyaan sidii ay ula soo shaqeeyeen wasiirkii hore, waxaanu yidhi “Waxaan ku bogaadinayaa Wasiirkii hore ee dib u dejinta ahna Wasiirka Cusub ee Warshadaha oo aan ku bogaadinayo sida sharafta leh ee uu xilka iigu wareejiyay.Waxaan isagana ugu hambalyeynayaa jagada cusub ee loo magacaabay oo aan waliba ILAAHAY uga baryayo maadaama oo ay tahay Wasaarad cusub inuu u fududeeyo.”

“Waxaan shaqaalaha wasaaradda dib u dejinta ka codsanayaa inay iila shaqeeyaan sidii ay ula shaqeeyeen Wasiirkii hore. Waxaan balan-qaadayaa inaan hawlaha wasaaradda ka soo bixi doono,”ayuu yidhi Md. Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye.

Wasiirku waxa uu ku dooday inuu wali yahay hoggaamiyihii ururkii SSC, waxaanu yidhi “Anigu Hoggaamiyihii SSC ayaan ahaa, walina waan ahay. Wasiir Somaliland ah baan noqday, bulshada Somaliland oo dhan baan Wasiir u ahay. nabadooda, horumarkooda iyo midnimadoodana waan ka shaqeynayaa. Waxase aan u sheegayaa deegaammaddii aan ka imid iyo ehelkaygii inaan u maqnahay oo aan dedaal weyn u geli doono haddii ILAAHAY ka dhigo sidii nabadda loo xoojin lahaa, sidii horumarka looga shaqayn lahaa iyo sidii isbedel looga dhalin lahaa deegaamadaasi.”

Wasiirka cusub ee dib u dejintu waxa uu tilmaamay inuu ka shaqaynayo sidii loo fulin lahaa tabashooyinkii ay bulshada deegaankiisu hore u soo jeediyeen, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bulshada deegaamadayda shalay Hoggaamiyahoodii baan ahaa.maantana Hoggaamiyahoodii ayaan ahay. Tabashooyin badani way jiraan oo way soo gudbisteen dawladuna way balan qaaday inay fulinayso. Waanan ka shaqaynayaa tabashooyinkaasi iyo waxyaabahaasi ay soo gudbiyeen in la hirgeliyo.”

Md. Saleebaan Xagla-toosiye waxa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay wasaarada loo magacaabay, waxaanu yidhi “Xukuumadda awood qaybsigu waa wax meesha ku jira waanu imanayaa haddii ALLE yidhaahdo. Wasiirraduna waa isku mid, Wasaaraduhuna waa isku mid. Markaa waan ku qanacsan nahay Wasaarada la ii magacaabay. Si weynna waan uga hawl-galayaa waanan ka midho dhalinayaa haddii ALLE ka dhigo.”

 

Source

Cumar Maxamed Faarax

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media