Hawlgallo Ciidamada Boolisku Ka Sameeyeen Hargeysa Oo Lagu Qabtay Dad Gaadhaya 53 Qof Oo Looga Shakisan Yahay Argagixisonimo Iyo Baadhitaano Ku Socda….

Hawlgallo Ciidamada Boolisku Ka Sameeyeen Hargeysa Oo Lagu Qabtay Dad Gaadhaya 53 Qof Oo Looga Shakisan Yahay Argagixisonimo Iyo Baadhitaano Ku Socda….

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

    

Hargeysa (Saraar Media) Febr 20,2013 – Ciidamada Booliska Somaliland oo labadii habeen ee u dambeeyay waday hawl-gallo dhanka amaanka kor loogu qaadayo, ayaa xabsiyada u taxaabay tiro dad ah oo gaadhaysa 50-meeyo qof una badan dhalinyaro..
Ciidamada booliska Somaliland oo hawl-galkoodu ku koobnaa xaafadaha Magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in ciidamaddu ku guulaysteen inay qabtaan ilaa 53 qof, kuwaasi oo dhammaantood looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha firxadka ah ee Alshabaab oo hadda ku dhuumaaleesanaya Buuraha Galgala, dadkaasi lagu kala xidhay saldhigyada booliska ee Magaalada Hargeysa.
Askari ka tirsan ciidamada booliska Magaalada Hargeysa oo codsaday inaan Magaciisa la shaacin, ayaa RamaasNews u sheegay in dadka lagu abtay hawgalka booliska ee labadii habeen ee u dambaysay la qabtay ay dhan yihiin 53 qof “Haa, dad aan odhan karo waxay ahaayeen 53, ayaa meelo kala duwan ciidanku ka qabtay, qaarkoodbaa huteelo laga soo qabtay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “ baadhitaan ayaa lagu samaynayaa oo waa la kala saarayaa”
Dadka la xidhay qaarkood ayaa eheladoodu warbaahinta la hadleen waxayna u sheegeen in hawlgalada noocan ahi ku khasabayaan inay dambi ku kacaan, maadaama oo iyagga oo aan dambi lahayn ciidamada amaanku qabanayaan.

Source by Ramaas
Saraar Media Desk

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media