Gudiga diiwaangelinta ururada siyaasada oo faahfaahin ka bixiyey ururada hadhay.

Gudiga diiwaangelinta ururada siyaasada oo faahfaahin ka bixiyey ururada hadhay.

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Gudiga diiwaangelinta ururada siyaasada ee Somaliland ayaa maanta si faahfaahsan badka usoo dhigay waxa ururada hadhay reebay.
Afhayeenka gudiga mudane Xasan Macalin ayaa sheegay inay godkooda biyo ugusoo galeen kadib markay dhaleecayn isdaba joog ihi uga timid ururadii lareebay iyo taageerayaashooda,marar badana lagu tilmaamay in gudiga ay farogelini kaga timid xukuumada.afhayeenku wuxuu sheegay inay islahaayeen waxba ha sheegsheegina oo gudoomiye kastaa is qiyaasi karayey laakiin hadii fooli timaado gudo qarsiimo hadhaye aan idiinsoo qadimo siday ururadu ku kala hadheen,ayuu yidhi mudane Xasn Macalin.

1-Ururka UDHIS xafiisyo kamuu furan gobolada Sool iyo Sanaag,mana buuxin kunkii qof ee madax taabashada ahaa gobolada sool sanaag iyo togdheer.
2-NDP xafiisyo kama furan Saaxil iyo Togdheerisla markaana meela Kun qof ma keenin Gobolka Maroodijeex mooyee
3-Ururka Jamhuurigu xafiisyo kama furan Gobolada Saaxil iyo Togdheer kunkii qofna muu buuxin caasimada mooyee.
4-Ururka Damal xafiisyo kama furan Gobolada Saaxil,Togdheer iyoSanaag,Gobol ay Kun qof keeneen ma jiro.
5-Ururka Nuur xafiisyo kama furan Saaxil iyo Sanaagisla markaana Gobola ma keenin kunkii qof marka laga reebo Gobolka maroodi jeex.
6-Horyaal xafiisyo kama furan Sool iyo iyo Saaxil,kunkii qofna may keenin Gobolaga Saaxil iyo Sanaag.
7-Gurmad xafiis kama furan gobolka Sool,kunkii qofna wuu ka waayey Gobolka Awdal.

8-Ururka badbaado xafiisyo kamuu furan Sool kunkii qofna muu keenin Sool iyo Sanaag.

9-SSCD xafiisyo kamuu furan gobolada oo dhan marka laga reebo Maroodi heex Gobol uu kun qof ka helayna ma jirto.

Intay soo buskuxisoo isasoo birkicisay tidhaahdaa urur baan furtay,umalayn maayo in lacagtoodii loosoo celinayo waana tan murugada ku haysa.

info@saraarMedia

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media