Daawo: Gudidda Doorashooyinka Somaliland oo sheegay inay Qorshaynayaan sidii ay u dhici lahaayeen doorashooyinka golaha deegaanka

Daawo: Gudidda Doorashooyinka Somaliland oo sheegay inay Qorshaynayaan sidii ay u dhici lahaayeen doorashooyinka golaha deegaanka

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargiesa (Saraar Media) — Guddiga Komishanka doorashooyinka ee Somaliland ayaa sheegay maanta in ururadda ku tartami doonna goleyaasha deegaanka ka wada hadleen qaabka ugu wanaagsan ee ay doorashadaasi u Dhici doonto.

Afhayeenka guddidda Doorashooyinka Mr. Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo maanta xafiiskiisa warbaahinta uga waramay ayaa tilmaamay kulan ay la yeesheen ururadii guddidda diiwaangelinta usoo gudbiyeen iyo saddexdii xisbi ee jiray, kuwaas oo uu xusay inay wax badani kaga xidhnaayeen oo qabsoomiddii doorashooyinka dib u dhigay.

Afhayeenka guddida doorashooyinka ayaa sheegay inay safar shaqo ku tagayaan dalka Kenya si ay u wadda tashadaan hay’adaha maalgaliya doorashooyinka Somaliland, isla markaana u soo wada tashan lahaayeen maadaama oo xagoodda ay diyaar ka yihiin.

“madaxweynuhu waxa uu noo sheegay in kharashkii dhankoodda laga rabay ee ku bixi lahaa doorashooyinkii ay diyaar u yihiin inay bixiyaan saacadda loo baahdo,isla markaana dawladihii aanu saaxibka nahay ee qaadhaan bixiyeyaasha oo saldhigooddu yahay Nairobi u tagno oo la soo tashanno, kadibna galna doorashaddii golaha deegaanka”ayuu yidhi afhayeenka gudidda doorashooyinka Somaliland Mr:Geelle.

Gudiddan Doorashooyinka ayaa diyaarinaya qaabkii ay u qaban lahaayeen doorashooyinka dawladdaha hoose, iyagoo qaadhaan bixiyeyaasha usoo bandhigi doonnaa Nidaamka ay ugu tallogaleen iyo wakhtiga la doonayo inay dhacaan doorashooyinka, maadaama oo ururadii siyaasadda ee faraha badnaa la kala reebay, isla markaana ururadda iyo xisbiyadda la doonayo inay doorashooyinka ka qaybgalaan loo gudbiyey guddidan doorashooyinka oo ay hadda la wareegeen oo ay gacanta ku hayaan.

 

 

 

Saraar Media News Desk

Hargeisa

info@saraarmedia.com

Mustafa Ali

Mustafa Ali

Editor & Director at Saraar Media Ltd

Writer, analyst, experienced media publishing and TV broadcasting,

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media