Gudida Diiwaangalinta Oo Soo Bandhigay Shuruudaha Kala Saarista Musharixiinta

Gudida Diiwaangalinta Oo Soo Bandhigay Shuruudaha Kala Saarista Musharixiinta

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa, November 25, 2012 (SM) – Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta qaranka, ayaa sharraxaad ka bixiyey sifaha ay u kala guulaysanayaan murrashaxiinta golayaasha degaannada dalka ee ka kala tartamaya toddobada urur/xixbi siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada Arbacada toddobaadkan Somaliland ka qabsoomi doonta. Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta Mr. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle) oo warbaahinta kula hadlay shir ay la yeesheen maalintii khamiistii qaar ka mid ah Salaadiinta magaalada Hargeysa oo ay ku fahamsiinayeen qodobka loo cuskanayo kala reebista ururrada doorashada ee ku jira Xeer Lr:14, kana qabsoomay Hutelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu shaaciyey in aan tartanku ahayn mid u dhexeeya shakhsiyaad, laakiin codadka dadweynuhu siiyaan murrashaxiinta ay iska leeyihiin ururrada ama axsaabta oo qaab saami ah ku kala helaya kuraasta degaannada ee ay ku loollamayaan.

“Horta cidda tartamaysa ee kala hadhayaa waa ururrada iyo xisbiyada, ashkhaas tartamaysa oo kala adkaanaysaa ma jirto. Nidaamka lagu kala helayaana waa kii saamiga boqolayda ahaa, haddii aan tafaasiil ka bixiyo masalan Hargeysa oo ay ka codayso 200 kun oo qof oo waxa loo taramayaana yahay 25 kursi, sidaa darteed, waxa la isu qaybinayaa 200 kun oo qof ee ka codaysay Hargeysa iyo 25-kii kursi ee loo taramayey, markaa tusaale ahaan qiimaha kursigu wuxuu noqonayaa 8 kun oo cod, in qof gaadho 8000 cod maaha daruuri, laakiin haddii qof gaadho xisbigu/ururku wuu helayba kursiga. Tusaale ahaan ururka/xisbiga hela 40 kun oo cod, waxa tirada codadka uu helay loo qaybinayaa qiimihii kursiga ee 8000 ahaa, markaa ururkaasi ama xisbigaasi wuxuu helayaa 5 kursi,” ayuu yidhi Mr. Cabdirisaaq Ciyaalle.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu tilmaamay qaabka murrashaxiinta urur keli ahi u kala helayaan kuraasta, isagoo ka digay in arrintaasi muran laga keeno, “Waxa dhici doonta oo hadhow muran keeni doonta haddii aan la fahmin dhici doonta haddii urur helo kursi qudha oo ninka ugu sarreeyaa helo 700 cod oo 25-kii murrashax ee ururkaasi ama xisbigaasi ku shuraakoobay ay sidaasi ku buuxiyaan 8000 ee la rabay, ururkaasi markaa waxa uu siin doonaa kursigaasi kii ugu sarreeyay.

Markaa ma jiro qof ka tartamaya xisbi ama urur oo dhacay iyo mid faa’isay, waxa tartamaya ururro iyo asxaab oo codka saamiga ah ku kala helaya kuraasida. Mana jirto sida dadku qabo in 25 qof ee Hargeysa ugu codka badani ay soo baxayaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansxinta axsaabta qaranka Mr. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle). Dhinaca kale, shirka loo qaybta salaadiinta oo ka hadhacay huteelka Maansoor, iskana kaashadeen qabashadiisa Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland iyo hay’ad la yidhaa Center for Humanitarian Dailog, waxa ka hadlay Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi oo ka socday Akademiga Nabadda iyo Horumarinta oo sheegay in ujeeddada kulanka ay u qabteen salaadiintu ahaa in la fahamsiiyo waxyaabaha muranka ku keeni kara natiijada doorashada, “Markasta dhibaatooyinku way iska yimaadaan, haddaba si dhibaatooyinkaas looga hortago waa in salaadiinta la wacyigeliyo oo ay wax ogaadaan oo ay hadhow ka qaybqaataan inay doorasho xor ahi dalka ka dhacdo, halkii hadhow intay ururradu beelo noqdaan ay odhan lahaayeen Suldaan waxbaa la khalday in Suldaanka laftiisu sii fahmo qaabka lagu kala saarrayo ururrada. Waxa kale oo salaadiinta la isugu yeedhay inay iyaguna bulshada baaq ugu soo jeediyaan sida ay toddobada urur u kala baxayaan ee saddex xisbi loo soo reebayo, isla markaana ay baaq nabadeed bulshada uga soo saaraan,” ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Ugu dambayntii Suldaan Aadan Faarax Cumar oo ku hadlayey afka salaadiinta kulanka loo qabtay, ayaa u mahadceliyey hay’adaha ka qaybqaatay shirkooda oo uu sheegay in si fiican loogu fahamsiiyey qaabka ururrada siyaasaddu ugu soo kala baxayaan doorashada.  “Cid kasta oo tartan wadagasha cida dheeraysa ayaa soo baxada. Dalkani wadatashi iyo nabadgelyo ayuu halkan ku soo gaadhay axsaabta maanta tartamaysaa waa toddoba urur, toddobadaasi heshiis bay saxeexeen, waxaannu annaguna leenahay wixii ka soo baxa heshiiskaas ay saxeexeen inay ku qancaan ayaanu dadweynaha, axsaabta iyo Madaxdoodaba faraynaa,” ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax Cumar.

 

Source

Haatuf

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media