Ergeyga UN Mr Mahaiiga oo Soo Gaadhay Hargeisa Raali Galina ka Bixiyey Qaladaadkii Xafiiskiisa

Ergeyga UN Mr Mahaiiga oo Soo Gaadhay Hargeisa Raali Galina ka Bixiyey Qaladaadkii Xafiiskiisa

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa, 27 Nov, 2012 (SM) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augstina Mahiga oo socdaal rasmi ah oo qaadan doona muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland, sidaasna waxa shabakada wararka ee Somaliland.org u xaqiijiyay Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augstina Mahiga, ayaa hadal uu ka jeediyay kulankaasi waxa uu ugu horayn raali gelin buuxda ka siiyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo hadal qadaf ah oo uu tilmaamay inay shaqaalihiisu sameeyeen mar uu xafiiskiisa ka maqnaa oo ay warqad ciwaan khaldan ah u soo direen Madaxweynaha Somaliland.
Mr. Mahiga waxa uu sheegay inaanay duulimaad ku ahayn inay wax u dhimaan sharafta qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay in Madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba ka raali gelinayo khaladkaasi.

Ergayga Qarramadda midoobay waxa uu sheegay in socdaalkiisa oo laba maalmood qaadan doona ay ujeedadiisu tahay sidii uu goob joog iyo markhaati uga noqon lahaa qaabkii ay u dhacayso doorashadda deegaanka ee maalinta beri dalka ka dhici doonta.

Ergeygu waxa uu sheegay in xafiiskiisa Hargeysa uu ka shaqaynayo sidii qarramadda midoobay xidhiidh adag ula yeelan lahayd Somaliland. waxa kale oo uu intaasi ku daray inay gacan siinayaan sidii looga midho dhalin lahaa wada hadalladda u bilaabmay Somaliland Iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay qarrammada midoobay ka aqbaleen raali-gelinta buuxda iyo garowshiiyaha ay ka bixiyeen gefkii ay xambaarsanayd warqad dhawaan Mahiga u soo qoray, kaasi oo Madaxweynaha Somaliland ay ku masaaleen Madaxweyne dawlad goboleed.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ergayga uga waramay doorashada Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacaysa maalinta beri taasi oo uu sheegay inay tahay doorashadii shanaad ee ka hirgashay Somaliland tobankii sanadood ee ay dalka ka tisqaadeen nidaamka asxaabta badan.

Kulankaasi waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

 

source

Cumar Maxamed Faarax

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media