Deegaano Somaliland ka tirsan oo Abaaro laga soo sheegayo iyo meelo uu ka billowdeen Roobabka Gu’ga

Deegaano Somaliland ka tirsan oo Abaaro laga soo sheegayo iyo meelo uu ka billowdeen Roobabka Gu’ga

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Talaado,  10,04.12 (HOL) — Guud ahaan meelo kala duwan oo ka mid ah deegaanadda Somaliland ayaa laga soo sheegayaa abaaro aad u baahsan oo xoolihii iyo dadkuba halis ugu jiraan inay ku le’daan, kuwaas oo meelaha qaarkood laga bilaabay biyo dhaamis xoogan.

Deegaanadda laga soo sheegayo abaaraha xoogan waxa ka mid ah galbeedka iyo waqooyiga Somaliland gaar ahaan gobolada Awdal, Selel, Gabiley iyo qaybo ka mid ah gobolka Marood jeex, sidoo kale Gobolada bariga ayaa iyana ay ka jirta abaari sida gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Togdheer.

Dhina kale, Waxa iyana maalmihi u dambeeyey ka curtay Somaliland Gu’gii oo meelo badan oo roob aan weynayni helay, halka meelaha qaarkoodna Daruurihii Roobku hoganayaan oo qaraxdiiba ay qarixay Daruuro biyeysani markastana la filanayo inuu Da’o.

Meelaha roobku ka curtay ee daruuruhu dul hoganayaan waxa ka mid ah gobolka Awdal iyo Maroodi jeex, inkastoo aanu roob badani da’in hadana meelaha qaarkood waxa laga soo sheegayaa inuu ku Tiixtiixay, meelana biyo dhigay oo lagu qabowsaday, haseyeeshee ilaa hadda Roob weyni ma di’in, balse mar walba waxa la sugayaa inuu Roob weyni da’o, maadaama oo daruuruhu ku shaqlan yihiin Cirka.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in roobab lagu diirsadaa ka Da’o Guud ahaan Somaliland, isla markaana uu bilaabmo gu’gii, iyadoo dhulka miyiga ah xoolaha iyo dadkuba aad ugu baahan yahay Roobka, meelo badana laga soo sheegayo Abaaro ay xoolihii ku dhinteen.

xigasho hiiraan online  Somaliland

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media