DADKII U SOO HALGAMAY KULMIYE OO LOOGU ABAAL GUDAY XADHIG IYO KUWII MUCAARADKA KU AHAA KULMIYE OOXILAL LAGU TAXAY? W/Q A/asiis Bashiir

DADKII U SOO HALGAMAY KULMIYE OO LOOGU ABAAL GUDAY XADHIG IYO KUWII MUCAARADKA KU AHAA KULMIYE OOXILAL LAGU TAXAY? W/Q A/asiis Bashiir

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Dadkii u Soo Halgamay Kulmiye oo loogu Abaal Guday Xadhig iyo Kuwii mucaaradka ku ahaa Kulmiye ooXilal lagu Taxay? Waxaa layaab noqotay madaxdii xisbiga kulmiye u soo halgantay sidii mar uun xisbiga kulmiye hoogaanka dalka u qaban iyaga oo wakhtigoodii iyo maal koodi u huray xisbiga kulmiye iyaga oo filayay inay madaxda kulmiye u ogyihiin abaalka ay u galeen.

Xisbiga kulmiye hadaba madaxdii inta badan u soo huray waqtidooda iyo maalkooda waxaa abaal looga dhigay inay xukuumada dibeda ka ahaadaan xadhig,caga juglayn iyo aflagaado lagula kaco haday hadlaanba, bedelkoodii waxaa noqday kuwii hadh iyo habeen waqtigooda iyo maal kooda u huray sidii ay meesha uga sari lahaayeen in uu xisbiga kulmiye ku guulayso hogaanka dalka kuwaasi oo ay bulshada reer Somaliland mid mid u garayanyso

balse hadii aan iskagiin xasuusiyo akhristayaal waxaa ka mid ahaa ninka Cali (biikalo) oo ahaa waqtigii uu xisbiga kulmiye ku adgaa ee uu ku jiray ololihii ugu danbeeyay in uu xisbiga khiyaameeyo oo uu ku biro xisbigii UDUB iyada oo Daahir Rayaale Ka dhigay Wasiiral Dawlaha Wasaarada Maaliyada, Maareeyaha Madbacada Qaranka oo ahaaa raga inta badan ololaha ugu jiray sidii Xisbiga UDUB u guulaysan lahaa kulmiyana u guuldaraysan lahaa Isaga oo sida la wada ogyahay ahaa in inta badan lagu bartay Musuqmaasuq uu haabsan oo uu ka dhex samayn jiray dadka loogu dhiibo lacagta Ololaha,ninka la yidhaah C/lahi Axmed Caarshe oo hada ah madaxa Protocol-ka Wasaarada Duulista iyo hawada ayaa wxa uu ahaa in lahayn jiray

Wargeysa la odhan jiray Waberi oo uu ku cay jiray Xisbiga kulimiye hadaii aynu wax yar ka soo qaadano wararkii beenta ahaa ee uu ka qoran Madaxweyne Siilanyo waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo si sharci daro ah Qasabada Biyaha ee Gurigiisa u Gashaday iyo inay Madaxda Xisbiga Kulmiye xidhiidh la leyihiin Kooxda Xagjirka ah ee Al-shabab kuwaasi waa qaar aan idinka xusuusinayo wararkii beenta ahaa ee uu qoran, isaga hadana sifo qabiil loogu magacaabay madaxa protocol-ka ee Wasaarada Duulista Hawada ,waxana la sheegay in uu wasiirku adeernimo ugu magacaabay jagaadaasi. Akhristayaal magacyadan waxaa u soo qaatay tusaalayaal balse lama soo koobi karo masuuliyiintii Guul wadayaasha u ahaa Xisbigii UDUB ee hada loo magacaabay xilal waaweyn iyada oo lagu xumaynayo Xisbiga Kulmiye oo marka aad dadweynaha reer Somaliland la sheegaysato ku sheegayaan in dadka la nacsiinayo Kulmiye.

madaama oo Wasiiro ka tirsan xukuumadu leeyihiin Ururo Siyaasadeedyada hada Cusub. Madasuuliyiinta sida xaqdarada ah lagula kacay tacadiyada waxaa ka mid ah Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex Mudane Xamarje oo ahaa Mujaahid dalka u soo halgamay islamarkaana waqtigiisii iyo maalisii u soo huray Xisbiga Kulmiye iyada oo uu Mr Xamrje ku ololayn jiray UDUB way tageysaye ha Tahriibin Walaal hadaba bulshada reer Somaliland waxay la yaaban tahay dawladan iyada lafteedu ACCOUNT- Gaar ah oo lacagtu ugu soo dhacdo ka furatay dubai ee hadana leh waxaan la dagaalamanaa musuqmaasuqa markaa bal akhristow is weydii markay wasiiradii iyo madaxdii kale iyagu Accounts samaysteen oo hadanay ay iska xidhdhinayaan dad xisbiga u soo halgamay oo ilaa hadan wax cadayn ah loo haynin danbiga lagu xidhay ee sharaftoodii meel lagaga dhacay. Wasiirkii Maaliyada waxaa lagu eryay Account-ka dawladu ka furatay dubai Soomaalida ayaa ku maahmaahda Tiisaba Daryeele ayaa tu Kale Ku Dara.

 

 

Qalinkii A/asiis Bashiir Nuur Freelance Journalist

Tel:4144434 Email:c.casiis98@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media