Daawo:Arooskii ugu Cajiibsanaa Africa Lamaane Indhoole ah oo Arooskoodu ka Dhacay Hargiesa | Saraar Media

Daawo:Arooskii ugu Cajiibsanaa Africa Lamaane Indhoole ah oo Arooskoodu ka Dhacay Hargiesa

Daawo:Arooskii ugu Cajiibsanaa Africa Lamaane Indhoole ah oo Arooskoodu ka Dhacay Hargiesa

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa,  30, July, 2012 -  Habeenkii xalay ayay Magaalada u   ahayd mucjisadii Qarniga , ka dib markii  ay dadab-galeen  Nin iyo gabadh aan qabin laxaad indhaha,kuwaasoo aroosku noqday kii ugu xiisaha badnaa Magaalada Hargeysa iyo dhul kale ee ay Soomaalidu ka degtay gobolka Geeska Afrika.

Cabdifataax Maxamed Yuusuf iyo xaalkiisa Hooda Maxamed Iidaan, ayaa iyaga oo gacmaha is-haysta  ayaa soo fuulay masraxa  hoolkii aroosku ka dhacay oo ahaa hotel-ka Imperial ee Magaalada Hargeysa, taasoo uga yaabisay dadkii ku sugnaa arooska, isla markaana waxa ay iswaydaarsadeen sharaabka si la mida lamaanayaasha indhaha qaba.

Waxaana hoolka soo buux dhaafiyay dadweyne isagga kala yimid xaafadaha duwan ee Magaalada Hargeysa, kuwaasoo daawasho yimid dhacdan layaabka leh. Waxaana ay tani noqotay dhacdo soo jiidatay indhaha warbaahinta iyo dadka reer Hargeysa oo maanta uga faaloonayay siyaabo kala duwan.

“Anigu runtii waxa ay ugu ahayd wax la yaab leh, waaxa aroos cajiib leh,laakiin waa aynu u ducaynaynaa, waa dad aan lahayn laxaadka indhaha  waxa aan leeyahay Ilaahay ha idiin gargaaro, hana idin barakeeyo” ayuu yidhi Cabdicasiis Cali  Cadaani .

“Ninka iyo gabadhan guurkoodu waa mucjiso, waana wax aanan weli maqal, hase yeeshe waxa ay anigu ila ahayd  aan isu guurin , waayo dee hagaya, ileen waa kuwan indhaha leh, sideebuu noqon doonaa xaalkoodu mustaqbalka” ayay tidhi  Fadxiyo Maxamuud.

“Yaabka yaabkiisa aroos aan la arag ayuu ahaa kani, xalay waan joogay, dee  siday gacmaha isku haysteen, ee gacmaha la isku dhaafsaday walaahi waan tacajabay, waxa aan odhan lahaa dadka dhibaataysan  arrintooda hoos ha loo eego” ayuu yidhi Maxamed Jaamac Ismaaciil.

Si Kastaba ha ahaate  arooska lamaanahan indhoolayaasha ah, ayaa noqon doono  mid raad-reeb ku  yeesha maskaxda dad badan oo Soomaaliyeed oo ay filan waa ku noqotay. Halkan hoose ka daawo Arooska iyo aroosada laxaadka la’

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media