Daawo: Waftigii Xagle Toosiye oo si Diiran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Caynaba

Daawo: Waftigii Xagle Toosiye oo si Diiran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Caynaba

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Caynaba, Talaado, 7 Augs 2012 (Saraar Media) Waxa iyaguna halkaas ka hadlay odayaasha iyo waxgaradka Gobolada Sool, togdheer, sool iyo Saraar, waxay sheegeen inay Raali ka yihiin Soo Dhoweynayaan una hanweyn yihiin Nabad gelyo ka dhalata Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, Waxay Madaxdhaqameedka , Cuqaasha iyo Siyaasinta Goboladaasi si weyn ugu celceliyeen in wax kasta Nabad lagu raadiyo, iyago Carrabka ku dhuftay in Somaliland  Dadka ku wada nooli yihin dad is fahmaya oo wada hadal wax walba ku dhammaysan kara, balse aanay colaadi waxba tarayn.

Badhasabka Gobolka Saraar Ibrayin Xasan Cali, Abwan Hurre Walanwal, Chief Caqil Cali Xirsi, Oday Saleban bidde Guled, iyo Masuuliyiin kale ayaa iyaguna si weyn uga mahadnaqay Weftigan miisaanka leh imaansha ay u yimaadeen walaalahooda kale, saigo badhasabka Saraar si gaar ahu sheegay in farxad weyn u tahay in kalfadhigan manta ay marti geliyeen Gobol ahaan.

Weftigan uu hogaminaye Hogaamiye Saleban Xaglotoosiyey  oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay yihiin ceelalyo Sahan u ah Nabad ay ku wada noolaadan Dadka walaalaha ah ee isku degaanka ahi, Waxa Saleban Si gaar ah u sheegay in markii ay arkeen in Somaliland iyo Somalia ay wada hadleen ay Daw noqotay in iyaguna Walaalahooda Somaliland ay la hadlaan maadaama is fahamku  uu ka yimaado wadahadal iyo is turxaan bixin.

Waxa iyaguna Sidoo kale halkaas ka hadlay Garaad Maxed Garaad Saleban , Chief Caqil  C/lahi Yusuf Tooreeye, Chief Caqil Cabdi Cali Abokor, Siyaasi C/Xakin C/laahi Xaji Cumar Camay,Fuaad Adan Cade  iyo Maxamud Cawil Bacaluul, waxayna halkaas ka soo jeediyeen hadalo kaftan u badnaa oo ay ku muujinayeen in Xukuumadda Somaliland ay ka arkeen in dhab ay ka tahay Nabadda ay raadinayso, isla markaasna ay dareensan yihiin in si Niyad ah ay xukuumaddani Nabadda u raadinayso, waxay kula taliyeen in Nabadda ay u yimaadeen weftigani oo la soo Dedejiyaa ay ku iman karto Nabadgelyo Si degdeg ah uga dhalata Dhammaanba Gobolada Somaliland, Waxay aad ugu celceliyeen  in xukuumaddu ay dedejiso Soo dhoweynta iyo Nabadynta Deeganadaasi.

Ugu Danbayntii Weftigan Oo xalay si weyn loogu soo Dhoweyey Deegaanka Yeyle iyo Oog ayaa ka mabsuuday Soo Dhoweyntan qiimaha leh ee shacab iyo xukuumad ba lagu soo Dhoweyey xalay, waxaana casho sharaf loogu sameeyey Magaalada oog, weftigan ka yimi Magaalada Buuhoodle iyo weftigii ka socday Xukuumadda ayaa Shir albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay Xarunta Maamulka Gobolka, taaso la sheegay inay kaga wada hadlayeen waxyaabo ay isku af garan karaan labada dhinac, iyadoo la filayo in Weftigan uu homaniyey Saleban Xaglatoosiye iyo weftiga xukuumaddu ay isu raaci Doonaan Magaalada Hargaysa, si toos ahna loo hor fadhiisan doono Madaxweynaha Somaliland.

 

Maxamed Adan Dirir

Caynaba

 

 

Mustafa Ali

Mustafa Ali

Editor & Director at Saraar Media Ltd

Writer, analyst, experienced media publishing and TV broadcasting,

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media