Daawo: Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska JSL oo Xilkii La Wareegey

Daawo: Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska JSL oo Xilkii La Wareegey

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Taliyaha Booliska JSL Cabdillahi Fadal Iiman

Hargeysa (Saraar Media)-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Ku simahii Taliyaha Ciidanka Booliska isla markaana ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed.

Xaflad loo sameeyay xil wareejinta Taliyaha cusub ee Booliska oo ka dhacday taliska Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay,wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland ,Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha, taliyaha asluubta maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo ku xigeenkiisa Xasan Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hogaanada Booliska Somaliland.

Ku simahii Taliyaha Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu wareejinayo dhamaan agabkii iyo Documents-kii Ciidanka Booliska.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inuu mas’uuliyad loo xilsaaray si weyn u dareensan yahay culayska ay leedahay, waxana uu sheegay inuu awoodda saarayo dhinaca ka hortaga iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka.

Taliyuhu wuxuu uu ka dalbaday dhamaan hay’adaha kala duwan ee dhinaca ammaanka inay gacan ku siiyaan gudashada hawlahan qaran ee nabadgelyo.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in waqtigani yahay kii looga baahnaa in da’yartu ay ka qayb qaadato adkaynta amniga isla markaana ay lama huraan tahay in maanta la arko generaalo dhalinyaro ah oo Somaliland amnigeeda u taagan.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa isna ugu duceeyey taliyaha Cusub inuu ilaahay xuilkiisa u fududeeyo.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee JSL Mudane Maxamed Nuur carraale Duur oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu halkan uga mahadcelinayo Madaxweynaha JSL oo go’aansaday inaanu Booliska cid dibada uga keenin, waxana uu kula dardaarmay taliyaha cusub in sharafta qaranku tahay mid ka muuqata hadba sida uu Booliska guduhu u shaqeeyo.

Gebagebadiina Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur carraale Duur ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey labada Taliye.

 

Xigasho

Somaliland.org

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media