Daawo: Ciidanka Booliska Boorama oo Soo Bandhigey Hub Culus oo ay ku Qabteen Guri ku Yaala magaalada

Daawo: Ciidanka Booliska Boorama oo Soo Bandhigey Hub Culus oo ay ku Qabteen Guri ku Yaala magaalada

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa, Talaado, 30 Oct , 2012 (SM)- Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo uu Weheliyo Taliyaha Qaybta Miinada ee Ciidanka Booliska Cumar Cabdilaahi Qaasaali ayaa maanta soo bandhigay Laba Boqol oo Hoobiye,kuwaas oo ay ciidamada Boolisku ka heleen Guri ku yaal Magaalada Boorama.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Warbaahinta ugu Waramayay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska ee Caasimada Hargaysa ayaa tilmaamay in soo qabashada Hubkan ay kaalin weyn ku lahaayeen dadkii lahaa guriga hubkan la dhigay,oo ku soo wargaliyay Ciidanka Booliska in hubkaasi yaalo Gurigooda.

Taliyuhu wuxuu u mahadceliyay Qoyska lahaa Gurigaas, Waxaa kale oo uu ka codsaday Shacabka Somaliland inay Ciidamada la yeeshaan wada shaqayn isla markaana ay la soo socodsiiyaan wax kasta oo nabadgalyada wadanka wax u dhimaya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu u soo jeediyay Ururada Siyaasada iyo Xisbiyada ku loolamaya doorashada inay ka taxadiraan gaadiidka Xawaaraha ku socda ee dadkuna dusha ka fuulaya kuwaas oo dhalin kara ayuu yidhi Khasaare Nafeed iyo Mid hantiyeedba,isagoo intaas ku daray inay arrintani baalmarsan tahay Sharciga Nabadgalyada Wadooyinka.

 

Source

GNS

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media