Boqorad Elizabeth II oo looga dabaaldegey 60 Sanadood 16 wadan

Boqorad Elizabeth II oo looga dabaaldegey 60 Sanadood 16 wadan

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

London(SaraarMedia)-Waxaa ayaamahan laga dabaaldegayey wadamo badan iyadoo lagu xusayo  Lixdan guuradii kasoo wareegtey markii Boqorad Elizabeth II Taajka Boqortooyada Ingiriiska la saaray 2dii June 1953kii,iyadoo ka dhaxashay Aabaheed Boqor George VI oo geeryooday 6dii Februery 1952kii xiligaasoo ay dalxiis ugu maqnayd Miyiga Kiiniya.

Maanta waxaa looga dabaaldegey 16 wadan oo 12 ka mid ahi yihiin wadamadii ay xoriyada siisay intii Elizabeth la caleemo saaray,sida magaca dabaaldega laga dhadhansan karo (Dimond Jubilee) waxaa wadamo badan lasiin doonaa Bilado Dheeman ah iyadoo wadamada Barwaaqosooranku hore usii falanqeeyeey Sanadkii hore cida heli doonta.

Waxaad doonto ka sheeg Ingiriiska laakiin markay noqoto dabaaldeg iyo xafiiltan wax badan bay ka shabahaan ama baro dheeraysiiyaan reer Somaliland ha noqota dhaqaalahooda ama xadaaradooda soo jireenka ah.

Roobkii da’ayey umay jixinjixin wuxuu kasii dhigay muuqaalkii lagu yaqaaney Ingiriiska,Iyagoo kumanaan ah ayaa waxaa Webiga Themis ee London badhtankiisa mara oo labadiisa dhinac lagu qurxiyey calanka Midowga Ingiriiska iyo dad midabkasta leh ayaa waxaa soo marayey mudo laba saacadood ah masaafo dhan Todoba Mayl doonyo iyo Huudhiyo nooc kasta leh oo qaarkood ahaayeen kuwo yaryar ee qofka qudhi kaxaysto ilaa doonida Boqoradda ugaarka ah iyo inta udhaxaysa iyagoo u dabaaldegayey cimri dheerida iyo mudada dheer ee shacabku ka raalida yahay Boqoradnimada Elizabeth II oo 86 sanadood cimrigeedu gaadhey.

 

Dad lagu qiyaasay Milyan ayaa isugusoo baxay iyagoo ka daawanayey oo safnaa webiga labadiisa dhinac marka lagasoo bilaabo Bettersea ilaa Tower Bridge.Inta badan Biriijyada Magaalada waa laga xidhay gaadiidka iyadoo dadku qulqulayey Battersea,Chalsea,Vauxhall,Waterloo iyo Westminster.Dadka qaar ayaa meel sii qabsaday salaadii hore.Shaqaalaha Caafimaadka iyo Badbaadada dadka ayaa iyagoo dusha ka gashan maro garbo go’an oo Huruud ah ayaa waxay sii diyaarinayeen Biriijyada afartii subaxnimo intaan cidiba iman.

Iyadoo uu weheliyo Boqorada ninkeedii oo Sagaashan jir ahi Prince philip inkastoo uu qaboowgii maalintaa dhakhtarka loo dhigay Caabuq dhinaca Kaadi haysta ah hadana wax la sugoba iyadoo xaga hore ee doonideeda taagan oo dadka gacanta u ruxaysa markay kasoo muuqatay Ili ka aragtay ayaa sawaxankii cirkaa isku shareeray iyagoo ku heesayey Alow boqoradayada noo barakee (God bless the Queen) iyadoo heesta calankoodana la yidhaahdo (God save the Queen) Allow Boqorada noo daa.Dadka Ingiriiska badankiisu waxay Boqortooyada u Taageeraan wadamada badan ee ay magacooda ku xukunto iyo dhaqan ahaan kala dambeynta iyo taariikhda degenaansho ee Boqortooyadu u sabab tahay.

Dadka reer Somaliland iyo Ingiriisku hakala dhaqaale iyo Ilbaxnimo badnaadeene ma iska shabahaan meelaha qaar sida Dabaaldegyada,isusoo baxyada iyo Xoraynta,tusaale ahaan Dabaaldegii 18ka May iyo kan ay maanta u dabaaldegeen,maalintii Madaxweyne Siilaanyo London yimi ee la muujinayey gooni isu taaga Somaliland iyadoo roob da’ayey,naf huridii Dagaalkii D-day iyo kii SNM kusoo gashay Burco.

bashirtarabi@saraarmedia.com

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media