Baaq ka soo Baxay Ururka Xidhiidhiya Bulshada Somaliland ee Qaaradda Yurub

Baaq ka soo Baxay Ururka Xidhiidhiya Bulshada Somaliland ee Qaaradda Yurub

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

London ( Saraar Media) Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) wuxuu dhammaan dadka reer Somaliland ugu horreyn idin leeyahay sannad wacan oo wanaagsan haddii aad dalka ku sugan tihiin iyo haddaad dibadda ku nooshihiinba. Ilaahay ayaynu ka rajaynaynaa inuu waqtigan kiisa innagu wada gaadhsiiyo caafimaad taam ah iyo cibaado toosan.
Qormadan laguma soo koobi karo dhacdooyinka u baahan in la xuso ee sannadka 2012(kii), laakiin waxa aan la hilmaami karin dhacdo taariikhda sooyaalka Somaliland u yeeshay calaamad taban uu suulinteedu u baahan tahay shaqo dheeraad ah oo ku salaysan wada-shaqeyn laga daacad yahay, si wadar ahaan loo saxo tabashooyinka jira:
• Khilaafka ka dhashay natiijadii ka soo baxdey doorashada golayaasha degaanka.
• Dhimashada iyo dhaawaca ku yimi qaar ka mid dhallaanka iyo dhallinta reer Somaliland ee ka dhiidhiyay wax is-daba marinta.
• Qaabka Komishanku Qaranku u maareeyay doorashada oo sababay jaahwareer iyo qas, isla markaana dhaawacay kalsoonidii xisbiyada iyo ururrada ku tartamayay doorashada iyo sumcaddi aynu caalamka ku lahayn.
Waxa aan la hilmaami karin in markii u horreysay dhawaqyo aad isu-burinayay uu ka soo yeedhayay qaar ka mid ah masuuliyiinteena tartanku ka dhaxeeyay, kuwaasoo toos ugu dhacayay dhegaha cadowga Somaliland. Waxa nasiib-darro ah in hadallada la isu-marinayay aaladaha warbaahinta inay ahaayeen qaar aad u dhaawacayay karaamada aynu in badan ku faanaynay, sidoo kalena sharaf-dhac ku noqdey qarannimada iyo dadnimada dalka iyo dadka reer Somaliland oo run ahaantii aanay arrimahaasu u cuntamin marka loo eego waxyaabaha aynu hore u kasbanay.
Tartanka doorashada golayaasha degaanka ee sannadka 2012, waxa dalladda SSE ay ku xasuusanaysaa sida sicir-bararku ugu dhacay beelaysiga aan loo meel dayin, kaasoo dhan ka ah ujeeddooyinka aynu u aasaasnay axsaabta iyo ururrada oo ujeedadoodu aheyd in jiilka mustaqbalku uu kaga gudbo ta reeraysiga.
Waa wax laga naxo in dib looga dhaco halkii la marayay sannadkii 2001 oo aheyd markii u horreysay ee Somaliland laga hirgelayo axsaabta siyaasadda.
Waxa xusid mudan oo dalladda SSE ay baaqan ku muujinaysaa sida degdeggu ku jiro oo iyada oo aan natiijadii kama dambeysta aheyd aannu Komishanku ku dhawaaqin ay gobollada Somaliland qaar ka mid ahi inta xubnaha golayaashii la doortey isku yimaadeen ay doorteen Mayorka, ku-xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee maamul. Yaab iyo ammakaag ayey dallada ku noqotay in aan la sugin inta si rasmiya loo soo gudbinayo natiijada rasmiga ah ee guud, taasoo muujinaysay kala daadsanaanta hay’adaha ay arrimahani khuseeyaan.
Maxaynu ka baranay sannadkii 2012, maxayse dalladda SSE talo ahaan soo jeedinaysaa:
• Maadaama doorashooyin kale innagu soo fool leeyihiin waxay dalladdu codsanaysaa in guddi aqoon hufan oo dhexdgexaad ah loo saaro si ay baadhis xeel dheer ugu soo sameeyaan dhammaan khaladaadkii iyo khilaafaadkii ka dhashay doorashada golayaasha degaanka oo dhimasho, dhaawac iyo kalsooni darro weyn keentay, si loo helo damaanada in aan markale lagu dagmin in lagu dhaco godkan oo kale. Waa muhiim in la soo saaro warbixin si cad u qayaxaysa waxa sababay khilaafka iyo khaladaadka dhacay si mustaqbalka ay ugu noqoto khibrad komishanada mustaqbalka imanaya.
• Dalladda SSE waxay xukuumadda, golayaasha qaranka iyo axsaabta si xushmadi ku jirto uga codsanayaan inay qiimeeyaan Komishanka hadda jooga mas’uuliyada uu ku leeyahay dhacdooyinka taban ee doorashada golayaasha degaanka si markaa loo miisaamo inay sii hanan karaan xilka ay hadda ummadda u hayaan.
• Dalladda SSE waxa ay muhiim u aragtaa in wacyigelin dheeraad ah la geliyo khatarta ka imanaysa in beelaysigu ka miisaan cuslaado qarannimada, hay’adaha dawliga ah ee aynu abuurney 21kii sanno ee u dambeeyay iyo weliba axsaabta siyaasadeed ee aynu abuurney in lagu tartamo. Qaran iyo qabiil meel meel ma wada galaan, waana ma huraan in xukuumdu ay abuurto imkaaniyaadkii ay arrinkan ku xoojin laheyd, iyada oo lala imanayo afcaal iyo qool wada socda oo masaladan khatarta ah ee reeraysiga lagaga hortagayo ama saameynteeda taban lagu xakameyn karo.
• Dalladda SSE waxa kaloo ay xukuumadda u soo jeedinaysaa in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dhammaan gobollada Somaliland, waxana lagu xoojin karaa tusaale ahaan in la is-weydaarsho guddoomiyayaasha gobollada (Badhasaabada), maadaama xukuumdadu tahay ta magacowda si looga baxo hab-dhaqanka bulsho magaalo wada deggan oo ku salaysan in reer hebel mayorka la siiyo reer hebelna badhasaabka. Kama bixi karno hab-dhaqanada noocan ah haddii aan lala iman hab isbeddel bulsho oo aasaaska ku haya hab fikir bulsho oo wax ku doorato kartida iyo anshaxa qofka
• Waxa xusid mudan in la badiyo wada-tashiga qaran si ay u sahlanaato isfahamka arrimaha u baahan wadatashiga guud, iyada oo dhinaca kalena la ixtiraamayo waxyaabaha golayaasha qaranka loo igmadey ee ay xukuumaddu u horreyso.
Dalladda SSE waxay qof kasta oo reer Somaliland ah xasuusinaysaa in aan la baalmarin waxyaabaha in badan la inoo qirey ee ah inaynu bulsho kasbatay in lagu daydo, kuwaasoo salka ku haya nidaam kala dambeyn iyo qaab maamul.
Guriga Somaliland dhistay waa mid ka kooban malaayiin dhagax ah oo is-hasyta. Ogow qof kastaaba inuu yahay dhagax qayb kaga jira dhisamahaa. Goobta dhagax ka baxaa waa bannaan dhaxanta iyo dabayluhu ka soo galayaan ee ha bannayn dhinacaaga, oo ha dayicin guriga dugsoonka u baahan. Somaliland waa ul iyo diirkeed ee ha lagu dadaalo in sannadka cusub aynu si guul ah u dhammaystirno waxyaabaha badan ee innaga qabyada ah.
Dalladda SSE waxay xukuumadda iyo golayaasha qaranka u soo jeedinaynaysaa in waddanka caddaalad lagu maamulo.
Sannadka 2013 waxay SSE guud ahaan u rajaynaysaa reer Somaliland Ilaahay garansiiyo halka dantooda iyo kheyrku ku jiro. Sannad wadajir iyo wado shaqeyn ku dhisan ayaynu filaynaa. Wakhti badan ayaa is-gurey intii lagu gudo jirey geeddi-socodka Somaliland, waxaanan Ilaahay ka rajaynaynaa in halganka la soo galey aan lagu hungoobin. Golayaasha xukuumadda ee hoggaanka inoo haysa waxaynu sannadka cusub u rajaynaynaa in dariiqa ay u marayaan yoolka ay Somaliland higsanayso ay qaadaan toobiyaha ugu toosan uguna dhow, kaasoo si fiican innoogu haga barta aynu higsanayno oo ah waddan adduunka laga aqoonsan yahay, isla markaana seeskiisu yahay caddaalad. Sannad inooga tilmaaman sannadihii ka horreeyay ayaynu rajaynaynaa.
Qurbo-joogga Somaliland waxaynu isku ognahay dadaal iyo is-xilqaan dheeraad ah oo ku wajahan duruufaha qurbaha innagu haysta sidii aynu u wada wajihi laheyn iyo waajibaadyada la innaga filayo inaynu ka soo baxno ee ku aaddan dalkii iyo dadkii aynu ka nimi.
Ugu dambayn, inkastoo doorashadani laheyd dhaliilaheeda, haddana dalladda SSE waxay u hambalyaynaysaa dhammaan axsaabta ku soo baxdey inay noqdaan xisbiyada qaran ee 10ka sanno ee soo socda haddii Ilaahay yidhaa, kuwaas aannu xasuusinayno inay la yimaaddaan barnaamij siyaasadeed oo maanta miisaan iyo milgo u yeela dalka iyo dadka reer Somaliland, kuwaasoo wakhti iyo hawl badan geliya sidii Somaliland lugaheeda isugu taagi laheyd.
Dallada SSE waxa sido kale u hambalyaynaysaa ururrada aanay u suurtoobin inay u soo gudbaan axsaabta qaran, annaga oo ku boogaadinayna dedaalka iyo weliba dulqaadka ay la yimaaddeen iyaga oo caddaalad-darro badan tirsanaya.
Sidoo kale, dalladda SSE waxay u hambalyaynaysaa dhammaan mudanayaasha ku soo baxay golayaasha degaanka. Mid Mayor noqdey iyo mid kaleba masuuliyad ballaadhan oo maalinta qiyaame la idinkala xisaabatamo ayaa garbahiinna saaran. Dunidu waa dharaaro kooban ee ha hilmaamina dhaarta aad u qaadeen ummadiina, Ilaahaya ayaanu idiinka baryaynaa inuu idiin sahlo masuuliyadda aad dhabarka u ridateen.
Guddida fulinta Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub ee SSE
www.Saraar Media.com

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media