5 Qof ayaa ku Dhintay Shil Baabuur oo Ka Dhacay Maanta Wadada U dhaxeesa Hargeysa iyo Berbera ….

5 Qof ayaa ku Dhintay Shil Baabuur oo Ka Dhacay Maanta Wadada U dhaxeesa Hargeysa iyo Berbera ….

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa (Saraar Media)- Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka war bixiyey shil baabuur oo khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh ku keenay ciidanka booliska Somaliland.

Taliyaha oo warbaahinta kula hadlayey Cusbitaalka guud ee Hargeysa waxa uu Tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ee askar ku dhimatay shilka Baabuur ee maanta ka dhacay Jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera.

Taliyaha oo shilkan faahfaahin ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi “INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN , waxa dhacay shil tiiraanyo leh oo ku yimid ciidan boolis ah oo hawl ka soo laabtay, gaadhi ciidanka boolisku lahaa oo Bond 80 la yidhaahdo iyo gaadhi kale oo shacab ah oo nooc loo yaqaano shaambo ah ayaa shilkaasi ka dhacay.

Dhimashadu waxa weeyaan sarkaalkii ciidanka watay iyo laba askari, Dhaawacuna waa 25 askari, waana shil aad u culus dhamaan ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland waan uga Tacsideenayaa, inta dhimatay ciidanka Booliska iyo dadka shacabkaba ee shilkan ku dhimatay waxaanan ILAAHEY uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo, inta dhaawacana waxaan ILAAHEY ka rajaynayaa inuu u sahlo.

“Shilkaa dhacay arintiisana waa la baadhayaa, wixii kale ee faahfaahinana marka baadhista la dhameeyo ayaanu dib ka soo sheegi doonaa.

Dhinaca shacabka wax ku noqdayna hadaan wax kaaga sheego ilaa hada darawalka iyo kirishbayga ayaa dadka dhintay ku jiray, waxaanay tirade dhimashadu noqonaysaa 5 qof oo shacabka Somaliland ka baxay ” ayuu yidhi Taliye Fadal oo si tiiraanyo leh uga hadlayey shilkan Baabuur oo ka dhacay Magaaladda Haleeya oo ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex.
www.SaraarMedia.com

naasir

naasir

Abdinazer Awad Dooyo
BA- Management from Admas University
Favorite Journalist and Social Work

Comments

comments

Saraar Media © 2008 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media